Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska XAMZA oo jawaab culus siiyay CC SHAKUUR

Recommended Posts

Deeq A.   
xamza-xamsa-hamza.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS, Kamaal Guutaale ayaa u jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame oo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda DanQaan ee uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xukuumada hadda jirto ku dhaliilay waxqabad xumo, isaga oo sidoo kale ku tilmaamay dhiigmiirato, isla markaana ay kusoo koobantay khudbado maran iyo ballan-qaadyo waxba kama jiraan ah.

Xoghaye Kamaal Guutaale oo isna qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay in xildhibaanka ay eryadaan ka keeneen xanaaq uu u qabo dowladda, isla markaana uu yahay nin dayacay shaqadiisa xildhibaannimo, sida uu hadalka u dhigay.

Gutaale ayaa difaacay xukuumadda DanQaran, wuxuuna tilmaamay inay ka shaqeysay dowlad dhiska iyo isku dhaweynta shacabka iyo dowladdooda.

“Xildhibaan ku mar walba waxaa uu isaga xanaaqsan yahay maamul walba oo markaa talada haya una adeegsadaa erayo nuucaan ah oo aalaaba sal iyo raad iyo xigasho cilmiyeysan midna aan laheyn, waxaa qumanaan lahayd inuu waajibjiikiisa xildhibaanimo gutto, Xukuumadda ula xisaabtamo si sharci ah, su’aalo weydiiyo, kadibna xukun uu rido, inta uu buugiisa gadgadanayo, shaqadiisii xildhibaanimana dayaco u maleyn mayo inaan ka heli karno cadaalad, waa halkii carabtu ay ka dhihi jirtay “Hebel waxba kuma qanco, bisha rajab oo la soomana kaba dhigee” – لا يعجبه العجب ولا صيام في رجب”” ayuu yiri Guutaale.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Marka laga soo tago erayada shixnadda caadifadeed leh sida “dhiig miirad, geesaweyn, tiyaatar siyaasadeed iyo imbiraadooriyad” ee uu xildhibaanka si joogta ah u isticmaalo si uu u diro farriin siyaasadeed aan ku saleysneyn cilmi, xaqaaiq iyo xitaa nambarro la xigan karo.

Xildhibaan ku mar walba waxaa uu isaga xanaaqsan yahay maamul walba oo markaa talada haya una adeegsadaa erayo nuucaan ah oo aalaaba sal iyo raad iyo xigasho cilmiyeysan midna aan laheyn, waxaa qumanaan lahayd inuu waajibjiikiisa xildhibaanimo gutto, Xukuumadda ula xisaabtamo si sharci ah, su’aalo weydiiyo, kadibna xukun uu rido, inta uu buugiisa gadgadanayo, shaqadiisii xildhibaanimana dayaco u maleyn mayo inaan ka heli karno cadaalad, waa halkii carabtu ay ka dhihi jirtay “Hebel waxba kuma qanco, bisha rajab oo la soomana kaba dhigee” – لا يعجبه العجب ولا صيام في رجب”.

Xukuumadda Dan Qaran shaqada ay ka qabatay dowlad dhiska, isu soo dhaweynta shacabka iyo dowladda, ka shaqeynta xasilooni siyaasadeed, tayeynta ciidanka, dib u xoreynta dalka, gun ka dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta qorshayaal dhaqaale oo taaba gal ah iyo fududeynta adeegga Bulshada intii suura gal ah waa wax bannaanka yaalla laakin nasiib darro xildhibaanka wuxuu u yaqaanaa “tiyaatar siyaasadeed”.

La dagaallanka argagaxisada ma ahan arrin lagu raadsado dhibco siyaasadeed ee waa arrin u baahan inaan tobaneeyo sano si joogta ah loo wiiqo, dalal soomaaliya ka weyn ayaa ilaa maanta la daalaa dhacaya oo la dagaalamaya sanawaad sida Turkiga, Masar, Nigeria iyo Pakistan, waxey u taallaa Xukuumad walba oo Dalka timaadda, Xukuumadda Dan Qaranna iyada oo kaligeed ah oo adduun la socon ayey xabadka u qawsatay, argagixisadana kula dagaashay meela aan qof siyaasi ah madaxiisa ku soo dhicin in waa yahaan lagu la dagaalami karo oo boqollaal kilometer ka fog caasimadda.

Waxaa muhiim ah in siyaasiyiinta aysan dadka ku qaldin culeysyada amni ee ka imaanaya bixitaanka ciidamada AMISOM/ATMIS iyo maareynta xilliga kala guurka ah, ciidankeennana u baahan yihiin iney lugahooda si fiican ugu istaagaan.

Waxaa na soo martay xilli barlamaakeenna uu fadhiyaya magaalada Baydhabo, xildhibaanadeenna Baabuur isaga raaci jireen baydhabo iyo Muqdisho, Xukuumaddii Cabdiraxman uu Wasiirka ka ahaa ayaa furanta waxa ay keentay waddada Makka al mukarrama cid ku eedeysana ma jirin maa daama xilli kala guur ah la galay oo ciidanka itoobiya dalka ka baxayay ciidamada AMISOM-na ay u baahnaayeen iney lugahooda ku istaagaan.

Waxaa xusid mudan iyada oo maareynta xilliga kala guurka lagu jiro, in ciidamo iyo agab casri ahba Xukuumadda Dan Qaran diyaarinteeda u howl gashay, howsha argagixisa la dirirkana ay socon doonto, Geysh-keennna guuleysan doono iyada oo cambaareynta cabdiraxman socoto.

Guulaha horumarinta maaliyadda laga gaaray iyo Qorshaha dhaqaalaha waa marag ma doonto, adduunyada ayaa marag ka ah oo nidaamkeenna maaliyadeed kalsooni ku qabta, qorshayaasha dhaqaale ee dalka loo sameeyana waa mid soo jiidi doona maalgelinno dhalinyarteenna siyaasiyiinta jahawareerisayna shaqooyin u abuuri doona Insha’Allah.

Dhismaha xasilloonida siyaasadeed ee uu xildhibaanka ku xajiimoodo waxaa daliil u ah in maanta mucaaradka ay Villa Somalia dhexdeeda ra’yigooda ayaga oo xor ah ka sheeganayaan, dowladduna diyaar u tahay wax la isla ogol yahay dalka in lagu dhaqo. Dan Qaran horteed ma jirin barlamaan iyo Xukuumad wada socda iyo dowlad federaal ah iyo dowlad goboleedya wada shaqeynaya, kuwa maqanna miiska ayaa u furan xilli walba, laakin xildhibaanka in la wada shaqeeyo oo dalka la wada dhiso wuxu u yaqaannaa liidnaan iyo ihaano waa isaga ka cararay wada hadalka Xukuumadda iyo mucaaradka.

Dowlad dhisku maalin iyo laba maaha, sanad iyo labana maaha ee waa kalsooni bulsho, iyo in laga wada shaqeeyo danta guud, kalsooni la abuuro iyo xasilooni siyaasadeed.

Political opportunism iyo xaqaaiqa oo la maduufikeeyo waa ma dhaleysnimo siyaasadeed ay ku haboon tahay in laga koro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this