Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo muuqaal yaab leh kusoo bandhigtay wixii ka dhacay Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   
Bariire.jpg

Bariire (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka dagaalkii lagu xoreeyey magaalada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta.

Muuqaallada oo lagu soo bandhigay TV-ga dowladda ee SNTV ayaa muujinaya duqeymo tiro beel ah oo lala beegsaday kooxda, iyagoo waayey meel ay u baxsadaan.

Al-Shabaab, markii ay qabsadeen magaaladaas waxay jareen oo miinooyin ku xireen Buundadii Bariire ee Wabiga looga gudbi jiray, balse markaan iyaga ayaa eeday, kadib markii ay ka gudbi waayeen wabiga, oo halkaas lagu laayey.

Sidoo kale, muuqaalka waxaa laga arkayaa duqeymaha oo toos ugu hoobanaya dhulka howdka ah ee Shabaab-ku ay dhex cararayaan, dowladdu waxay warbixintaan ku sheegtay in Shabaab aysan hal qof ka badbaadin.

Kooxda ayaa markii hore godad ay ka dagaalamaan ka dhex qodatay guryaha magaalada, balse duqeyn ayaa looga saaray, ilaa qoryahooda ay ka cararaan.

Caawa, barta Telegram ee TV-ga dowladda waxaa mar kale lagu baahiyey sawirrada in ka badan 50 kamid ah meydadka Shabaab-kii lagu laayey Bariire, kuwaas oo weriyaashii maanta tegay deegaanka ay soo sawireen.

Halka arrin oo Shabaab ay si rasmi ah uga shaleynayaan waa inay jareen Buundadii Bariire, iyagoo ku xasdaya dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, balse ayaga ayaa ciqaab daran kala kulmay, kadib markii ay Jabeen ee hadana ay waayeen waddo ay ku baxsadaan, maadaama ay burburiyeen Buundadii.

Muuqaallada lasoo bandhigay waxaa lagu arkayaa, iyagoo ku le’anaya daafaha wabiga, kadib markii diyaaradaha duqeymaha fulinaya ay toos u dul istaageen maleeshiyaadka baxsadka ah ee kooxda.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this