Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta dhagax-dhigay jid isku xiraya Boosaaso iyo Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754738203206.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta dhagax dhigay wadada Calmiskaad oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar ee Gobolka Bari.

Munaasabadda dhagax-dhigga jidkaan waxa Madaxweyne Deni kala qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Isimada Dhaqanka , Maamulka Gobolka Bari,  kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyay muhiimada ay Wadadan u leedahay isu socodka Gobolka Bari, isagoo xusay in ay ku timi baahi ka jirta deegaanka dhaadaar oo hadda laga sifeeyay Argagixisadii Daacish, waana Waddo aan ku koobnayn Kaabe-dhaqaale balse sidoo kale leh ahmiyad Amni.

Wadada isku xiraysa Boosaaso – Dhaadaar, waa 92km oo dhismaheeda la billaabayo berito ayna Dowlad iyo Shacaba kawada qayb qaadanayaan, waxay ka mid tahay horumarka Calmiskaad sidii si dhow loogu xiri lahaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta dhagax-dhigay jid isku xiraya Boosaaso iyo Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this