Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

Recommended Posts

Deeq A.   
81397310-7410-11f0-8071-1788c7e8ae0e.jpg

Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad nooca fudud ah oo ay leedahay hay’ad samafal oo caafimaad ay ku burburtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida uu sheegay mas’uul hadlay.

Hay’adda Amref Flying Doctors ayaa sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Wilson galabnimadii Khamiista, ayadoo ku sii jeedday magaalada Hargeysa.

Diyaaradda ayaa burburka ka dib waxaa qabsaday dab, waxa ayna ku dul-dhacday dhismo ku xaafadda Githurai ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Henry Wafula ayaa sheegay in afar qof oo diyaaradda la socday ay dhinteen, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo duuliyihii diyaarada.

Waxaa shilkan sidoo kale ku dhintay labo qof oo kale oo goobta ku sugnaa, halka labo kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Baarayaal ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay si ay u ogaadaan waxa sababay shilka.

Diyaaradda ayaa lumisay xiriirkii raadaarka ee hagidda hawada saddex daqiiqo uun ka dib markii ay duushay, sida ay sheegtay hay’adda duulista rayidka ee Kenya.

Waxaa saarnaa afar shaqaalihii diyaaradda ah iyo shaqaalaha Amref, sida ay sheegtay hay’adda samafalka.

“Waqti xaadirkan, waxaan si buuxda ula shaqaynaynaa maamulka duulista ee ay khusayso iyo kooxaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah si aan u ogaano xaqiiqooyinka ku xeeran xaaladda,” waxaa sidaasi sheegay maamulaha Amref Stephen Gitau.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Booliska Qaranka ayaa la geeyay goobta uu shilka ka dhacay si ay u sameeyaan howlgalo baaritaan iyo soo uruurinta haraadiga diyaaradda.

Patricia Kombo, oo ah goobjooge, ayaa BBC-da u sheegtay in iyada iyo saaxiibadeed ay ku sii jeedeen Githurai, ayna la socdeen taksi, markii ay maqleen jug weyn iyo bir cas oo hortooda ku soo dhacday.

“Kahor intaanan qaadin taleefoonkaygii si aan u duubo iftiin ayaa meesha ka baxay, qiiquna waa is qabsaday, ka dib waxaan maqalnay dad qeylinaya oo ordaya, sidaas ayaan ku soo gabagabeynay safarkayagii.

“Waxaan ka dib ogaanay inuu ahaa shil diyaaradeed, waxaana aragnay godka duleela ee ah meeshii shilka ka dhacay,” ayay tiri.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha fudud ayaa ku badan bariga Afrika, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hawlaha Amref ee Somaliland

Meelaha ay ka howlgasho hay’adda samafalka ee Amref waxay ka mid ah jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Waxay ka qaybqaataan mashaariic iyo qorshayaal caafimaad oo kala duwan oo la xiriira gobolka, oo ay ku jiraan wax ka qabashada arrimaha sida Gudniinka Fircooniga ah iyo xoojinta adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.

Shaqada Amref ee Somaliland waxay inta badan la xiriirtaa hadafkooda ballaaran ee horumarinta Afrika. Tan waxaa ku jira hindiseyaal diiradda lagu saaray arrimaha caafimaadka.

Amref waxa ay wada shaqayn la leedahay hay’ado kala duwan oo Somaliland ka jira, oo ay ku jiraan hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, si ay u fuliyaan mashaariicdooda.

Hay’adda ayaa sheegtay in aaminsan tahay in caafimaadku yahay xuquuq bini’aadmi ah, “waxaanan ognahay in isbeddel waara uu suurtagal yahay oo keliya marka ay bulshadu horseeddo”.

Hay’adda Amref ayaa iskaashi la leh bulshooyinka ku nool 35 dal oo Afrikaan ah si ay u tababaraan shaqaalaha caafimaadka, u bixiyaan adeegyada muhiimka ah iyo xoojinta nidaamyada caafimaadka si loo hubiyo in dadku ay heli karaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Shaqadoodu waxay ka kooban tahay qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan ka hortagga iyo daaweynta cudurrada, biyaha iyo fayadhowrka, iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this