Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay magacyada xubnaha Jubaland ee loo ciqaabi doono xiisadda Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Axmed-Madoobe.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay xaaladda gobolka Gedo, iyadoo eedeyn culus u jeedisay xubno ka tirsan Jubbaland oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan uu ugu horeeyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in isha lagu hayo dhaqdhaqaaqa xubno “qaswadayaal ah oo ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, kuwaas oo ku mashquulsan shirgoollo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobalka Gedo,” sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalkaan ku sheegtay in ragaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay Gobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka.

Dowladda ayaa sheegtay in Gobalka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo halkaas ka hawlgelaya.

“15-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu Ciidanka Qaranka joogaa Gobalka Gedo, iyagoo gudana waajibaadkooda Qaran ee uu dastuurku u xilsaaray,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Gobalka Gedo ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo adeegga bulshada deegaanka.

“Ciidamada ayaa u idman sugidda amniga, xasilinta gobolkaas iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay shaqsiyaadka yo kooxo ay sheegtay inay ku howlan yihiin xiisad abuurka, kuwaas oo lala socdo dhaqdhaqaaqooda, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay ka waantoobi waayaan ficiladooda gurracan, sida qoraalka lagu yiri.

“Dawladdu waxay u mahadcelinaysaa Shacabka Gobalka Gedo iyo maamulkooda, kuwaas oo muujiyay midnimo, dawlad-jacayl iyo waddaniyad, waxayna dawladda Federaalka garab taagan tahay shacabkeeda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

IMG_8622.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this