Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Suudaan oo bur-buriyay diyaarad Imaaraadku leeyahay, kuna dilay 40 askari

Recommended Posts

Deeq A.   
Sudan.jpeg

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidanka Cirka ee Suudaan ayaa burburiyay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo siday calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, xilli ay ku degeysay garoon ay maamulaan Ciidamada Gurmadkaa Degdegga ah (RSF) oo ku yaalla gobolka Darfur. Ugu yaraan 40 qof ayaa halkaas ku dhintay, sida uu weriyay telefishinka dowladda ee taabacsan militariga, maalintii Arbacada.

Sarkaal ka tirsan militariga Suudaan, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraadka “la duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyay” xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Nyala ee gobolka Darfur. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayay duqeymaha ciidanka cirka ee militariga Suudaan, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada RSF tan iyo bishii Abriil 2023.

Ilaa hadda, wax war ah oo degdeg ah kama soo bixin dhinaca RSF iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dowladdiisu ay isku dayayso in ay ogaato tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. “Waxaan eegi doonnaa haddii aan soo celin karno meydadkooda,” ayuu ku qoray bartiisa X (horey Twitter).

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay kasoo duushay saldhig cirka oo ku yaalla gobolka Khaliijka, ayna siday tobannaan dagaalyahanno shisheeye ah iyo qalab militari oo loogu talagalay ciidamada RSF, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan gobolka Darfur.

Militariga Suudaan, oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka in uu siiyo RSF hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isagoo u soo mariya garoonka diyaaradaha ee Nyala. Abu Dhabi waxay si adag u beenisay eedeymahan, inkasta oo ay jiraan warbixino kala duwan oo kasoo baxay khubaro Qaramada Midoobay ah, saraakiil Maraykan ah iyo hay’ado caalami ah.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo uu soo saaray Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadannimada ee Jaamacadda Yale (Yale University’s Humanitarian Research Lab) ayaa muujiyay dhowr diyaaradood oo nooca riddada dheer ah oo laga sameeyay dalka Shiinaha, kuwaasoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Bishii Juun, saddex goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda AFP in diyaarad xamuul ah la duqeeyay wax yar kadib markii ay ka degtay garoonka Nyala.

Maalintii Isniinta, dowladda Suudaan ee ay militarigu gacanta ku hayaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qoranayo oo uu maalgelinayo calooshood-u-shaqeystayaal Colombian ah si ay ula dagaallamaan ciidamada RSF, iyadoo sheegtay in ay hayso caddeymo qoraal ah oo muujinaya arrintaas.

Wararka ku saabsan joogitaanka dagaalyahannada Colombian-ka ah ee Darfur ayaa soo socday tan iyo dhammaadkii sannadkii 2024, waxaana xaqiijiyay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay.

Toddobaadkan, Ciidamada Isbahaysiga (Joint Forces) — oo ah isbahaysi taageersan militariga oo ka howlgala gobolka ballaaran ee galbeedka Darfur — ayaa soo sheegay in in ka badan 80 calooshood-u-shaqeyste oo Colombian ah ay dhinaca RSF kaga dagaallamayeen magaalada El-Fasher, taasoo ah caasimaddii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee weli ku jirta gacanta militariga.

Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hawlgallo ay isugu jireen duqeymo drones ah iyo madaafiic, kuwaasoo dhacay intii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadayeen ciidamada RSF, sida uu sheegay isbahaysigaasi.

Militariga ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaallo fiidiyow ah oo ay sheegeen in ay muujinayaan “calooshood-u-shaqeystayaal shisheeye ah oo la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan Colombia”. Wakaaladda AFP si madaxbannaan uma xaqiijin sax ahaanshaha muuqaalladaas.

Bishii Diseembar, dowladda Suudaan ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka shallisay “ka qaybgalka qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ee dagaalka Suudaan”.

Calooshood-u-shaqeystayaasha Colombian-ka ah, oo intooda badan ah askar iyo jabhado hore, ayaa horay uga qaybgalay colaado ka dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana horey u adeegsaday Imaaraadka si ay hawlgallo uga fuliyaan Yemen iyo dalalka Khaliijka.

Qoraalkiisii Arbacada, madaxweyne Petro wuxuu sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu u mamnuuci lahaa hawlaha calooshood-u-shaqeysi, isagoo ku tilmaamay “ka ganacsiga dadka oo loo beddelay badeecad dil geysata”.

Dagaalka Suudaan, oo haatan galay sannadkiisii saddexaad, ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca 13 milyan oo qof, wuxuuna dalka geliyay xaaladdii ugu darneyd ee dhinacyada gaajada iyo barakaca dunida laga diiwaangeliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this