Deeq A. Posted 11 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saak xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay. Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Saddexda marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun oo loo yaqaanay (Hubka), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah. Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada. Cabdi Afey iyo Ibraahim hubka iyo Yaxye ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose. Maxkamadda Ciidamada ayaa marar badan tiirka gaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo sidaan oo kale loogu helay inay dilal iyo qaraxyo dilal ka fuliyeen caasimada. Share this post Link to post Share on other sites