Sign in to follow this  
Deeq A.

Kacdoon shacab oo ka bilowday Beledxaawo iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Beledxaawo.jpg

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta kacdoon shacab oo wayn uu ka bilowday degmada Beledxaawo, kaas oo looga soo horjeedo farogelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan xaaladda gobolkaasi.

Shacab careysan ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaaladaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay weerar ku yihiin madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, shacabka ayaa dalbaday in ciidanka Itoobiya ay joojiyaan dhaq-dhaaqyada ay haatan ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Bannaanbaxan ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Waxaa dibad-baxani ka horreeyay mid kale oo ay shalay dhigeen shacabka degmada Doolow, kaas oo isna looga soo horjeedyay farogelinta Itoobiya ee gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this