Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo wajahaya fadeexaddii ugu weynayd – Maxaa ka socda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya fadeexaddii ugu weynayd ee iibka hantida guud ee dalka, kadib markii ay dowladdu iibisay dhismayaal muhiim ah oo ay ku jiraan xaruntii hore ee wasaaradda caafimaadka iyo isbitaalka Laansareeti.

Dhismayaal caafimaad iyo kuwa taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa haatan la iibiyay, taas oo muujinaysa sida dowladdu wax xurmayn u hayn goobaha daryeelka bulshada iyo ilaalinta hantida qaranka, sida uu sheegay siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Warsame ayaa si weyn u dhaliilay in dowladdu ku dhaqaaqdo iibinta dhulkaan macnaha weyn ugu fadhiya qarankeenna, xilli uu xarko goostay iibka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Iibka xarumaha caafimaadka ayaa muujinaysa in dowladda ka arrimisa dalka ka liidato xagga mooralka iyo mas’uuliyadda xataa marka loo eego maleeshiyaadkii beelaha ee dagaalladii sokeeye, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Xilliyadii dalku ugu rajada xumaa oo ay dagaalladu daraf kasta ka socdeen, maleeshiyaadka beelaha waa xurmayn jireen xarumaha caafimaadka,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Iibinta Wasaaraddii caafimaadka, Isbitaal Laansareeti iyo dhismayaalkii dhaxal taariikheedka ahaa waxay caddayn u tahay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mooral, akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka taagan yihiin xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyadoo shacabkii ugu badan laga saaray xarumo kala duwan oo dowladda leedahay, kadib markii ay dowladdu ku andacootay in loo baahday.

Tan walaaca lehna waa in illaa iyo hadda aan la arag xarun dowladeed oo inta dadkii deganaa laga kiciyay ay dowladdu ku bixinayso adeegyo bulsho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this