Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maleeshiyo beeleed hubeysan oo la wareegay degmo ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Godobjiraan.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Koox maleeshiyo beeleed ah ayaa lagu soo warramayaa in labadii maalmood ee u dambeeyay ay haysteen xarumihii dowladda ee degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Maleeshiyaadkan ayaa si xoog ah ula wareegay xarunta dowladda hoose, saldhigga booliska degmada, isbitaalka, iyo ceel-biyoodka, kaasoo la sheegay in markii dambe ay sii daayeen.

Sababta ay u qabsadeen goobahan ayaa lagu sheegay inay la xiriirto cabasho ka dhalatay dhaawac soo gaaray nin ay isku hayb yihiin, dhaawacaas oo la sheegay inay u geysteen ciidamada booliska gobolka.

Hoggaamiyaha kooxdan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay ka baxday ballan horey ay u qaaday, taasoo ahayd in la daryeeli doono dhaawaca isla markaana la siin doono magdhow.

“Qabsashada xarumaha dowladda waxaa sabab u ah dhibaatadii ay dowladda noo geysatay, gaar ahaan ciidamadeeda. Waxa nalagu dilay gardarro, xuquuqdeenna lama siinin. Waxaan haysannaa warqaddii uu soo saaray taliska booliska oo caddeyneysa in gardarro nalagu laayay,” ayuu yiri ninka horkacaya maleeshiyaadkan.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo siiyo xuquuqda ay tabanayaan. “Degmadani waa degmadeennii, anaguna xuquuq ayaan raadineynaa. Dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Saciid Deni, waxaan ka doonaynaa in la siiyo xuquuqdeennii.”

Gebi ahaanba waxaa xanniban adeegyadii loo qaban jiray bulshada degmada, maadaama maleeshiyaadku xireen dhammaan xarumihii adeegyada dadweynaha.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, inkasta oo ay socdaan dadaallo lagu raadinayo xal si ay maleeshiyaadka uga baxaan xarumaha dowladda ee degmada Godobjiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this