Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ciidanka Muqdisho oo weeraray islamarkaana ka afduubtay xarunta…

Recommended Posts

Deeq A.   
000_34LL2W7-scaled.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaamirooyinka CCTV-ga ee ku xiran bannaanka hore ee xarunta Telefishinka SMS, oo ah telefishin gaar loo leeyahay oo ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa duubay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo si xoog ah ku kaxaysanaya weriyayaal kasoo laabanayay shaqo maalmeedkoodii, xilli ay doonayeen inay galaan xarunta TV-ga.

Maamulka SMS TV ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadaas, iyagoo sheegay in weriyeyaasha ay goobta keentay Xildhibaan Faa’isa Jayte, ayna ciidamada sugayeen ilaa uu dhaqaaqo gaariga xildhibaanadda.

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay maamulka TV-ga ayaa lagu sheegay in weriyeyaasha la geeyay saldhigga degmada Xamar Jajab, halkaas oo ay weli ku xiran yihiin, iyagoo dowladda ka codsaday in cadaalad loo helo. Xarunta laga kaxeeyay weriyeyaasha ayaa ku taalla xeyndaabka Madaxtooyada, gaar ahaan agagaarka Baar-bulsho.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka SMS TV:

“Askar ka tirsan booliska, oo ku hubaysnaa gawaari tikniko ah oo ay saarnaayeen qoryaha dhashiikaha loo yaqaan, ayaa weerar ku soo qaaday xarunta Telefishinka SMS ee magaalada Muqdisho.

Sida ka muuqata muuqaalka CCTV-ga, waxay si xoog ah u kaxeysteen weriyeyaasha telefishinka, kuwaas oo kasoo laabtay howl shaqo.

Waxay sidoo kale qaateen qalabkii warbaahineed ee ay wateen, iyagoo weriyeyaasha ula dhaqmay si arxan darro ah.

Weriyeyaasha ayaa la socday baabuur qooqan ah oo ay saarnayd Xildhibaan Faa’isa Jayte. Markii gaarigeedii dhaqaaqay, ka hor intii aan weriyeyaashu gudaha u gelin xarunta, waxaa la arki karaa askar hubeysan oo xoog ku watey.

Waxa la sheegaya in ay hadda ku xiran yihiin saldhigga booliska Xamar Jajab, iyadoo aan jirin wax waraaq maxkamadeed ah oo waaran ah oo loo gudbiyay maamulka telefishinka.

Waxaan isku daynay in aan la xiriirno Taliyaha Booliska, Macallin Mahdi, balse ma uusan ka soo jawaabin wicitaannada iyo fariimaha aan u dirnay.

SMS TV waxay codsaneysaa cadaalad.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this