Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal iyo aqoonyahano Soomaali ah oo warqad yaab leh u diray Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Ahmed-scaled.jpg

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Codsi-qoraal ah, oo ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u gudbiyeen, koox isugu jirta odayaal, aqoonyahanno, iyo hoggaamiyeyaal bulsho oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa looga codsaday dowladda federaalka in ay soo farageliso si looga hortago wax ay qorayaashu ku tilmaameen “burbur maamul oo dhammaystiran” oo ka jira deegaanka xilliga hoggaanka Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar.

Codsigan oo ka kooban siddeed bog, ayna heshay warbaahinta The Reporter, ayaa lagu faahfaahiyay eedaymo ay ka mid yihiin musuq-maasuq baahsan, xawilaad lacageed oo sharci-darro ah, eex qabyaaladeed, iyo khataro amni oo sii kordhaya oo ka jira deegaanka. Codsiga oo ay qoreen in ka badan laba dersin qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal beeleed, culimmo diin, iyo aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida, ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la gudbiyey 28-kii Luuliyo, 2025.

Eedaymaha warqadda ku xusan ayaa tilmaamaya “burbur isku-dubaridan” oo saameeyay maamulkii dowliga ahaa, hay’adihii sharci-fulinta, iyo nabadgelyada, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanka lagu eedeeyay inay awooddooda ugu adeegteen dano gaar ah, iyagoo iska indha-tiraya danta guud ee bulshada.

Waxyaabaha udub-dhexaadka u ah dacwaddan waxaa ka mid ah eedaymo ku saabsan musuq-maasuq baaxad leh oo nidaamsan oo la sheegay inuu ka dhex jiro xukuumadda deegaanka. Qorayaasha codsigu waxay ku andacoonayaan in in ka badan 150 mashruuc oo kaabeyaasha dadweynaha ah, oo isugu jira nidaamyo biyo-gelin iyo xarumo wax-soosaarka beeraha, la hakiyay inkastoo si buuxda loogu bixiyay lacagtii qandaraaslayaasha. Waxay ku doodayaan in arrintani ay caddeyn u tahay jiritaanka “shabakad musu-qmaasuq oo ay ku midoobeen qandaraaslayaal iyo mas’uuliyiin.”

Mashaariicda codsiga lagu xusay waxaa ka mid ah mashruuca biyo-gelinta Qabridahare, oo la sheegay in la joojiyay ka dib markii lagu bixiyay in ka badan 300 oo milyan oo Birr. Sida warqaddu caddaynayso, waxaa sidoo kale la dayacay mashaariic kale oo kaabeyaasha biyaha ah oo laga hirgelinayay magaalooyinka Jigjiga iyo Baarey, in ka badan 30 mashruuc oo lagu qabanayay biyaha roobka, iyo shan xarumood oo loogu talo-galay warshadaynta wax-soosaarka beeraha, kuwaas oo dhammaantood la iska daayay ka dib markii la bixiyay dhaqaalihii ku baxayay.

Codsigu wuxuu mas’uuliyadda fashilkan dusha uga tuurayaa dhaqan-gelin la’aanta sharciga qandaraasyada, eexda iyo nin-jeclaysiga loo adeegsado doorashada qandaraaslayaasha, iyo madax-bannaanida la’aanta xafiiska hanti-dhawrka deegaanka, arrimahaas oo suurtageliyay baaxadda lunsiga maaliyadeed ee la soo warinayo.

Warqadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mas’uuliyiin sarsare oo deegaanka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn ku leh maamulka ay ku lug leeyihiin xawilaado sharci-darro ah oo sii mara magaalada Tog Wajaale—oo ah marinka ganacsi ee ugu muhiimsan ee loo maro Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera. Lacagahaas ayaa la sheegay in lagu maalgeliyo guryo, silsilado hoteello, iyo hanti kale oo qaali ah oo dibadda laga iibsaday.

“Baaxadda hantida dadweynaha ee la lunsanayo iyadoo uu ogyahay Madaxweyne Mustafe waa mid aad u ballaaran,” ayaa lagu yiri codsiga, iyadoo la xusay in maalgeshi ganacsi lagu sameeyay waddamada Kenya, Imaaraadka Carabta, Canada, iyo Turkiga.

Dokumeentigu wuxuu ku eedaynayaa sarkaalka borotokoolka madaxweynaha iyo shaqaale ka tirsan xafiiska maaliyadda inay maamulaan akoonno banki oo qarsoodi ah, kuwaas oo loo adeegsado in lagu lunsado dhaqaalihii horumarinta deegaanka oo loogu beddelo hanti ma-guurto ah oo dibadda ah. Waxaa sidoo kale loogu baaqay in baaritaan hanti-dhawr oo qoto dheer uu sameeyo heer federaal, lana qaado tallaabooyin dacwado ciqaabeed ah.

Qayb kale oo dacwadda ka mid ah ayaa si faahfaahsan uga hadlaysa sida maamulka deegaanku hubka ugu qaybiyay beelo gaar ah, iyadoo la faquuqayo kuwa kale. Dokumeentigu wuxuu sidoo kale ku eedaynayaa maamulka inuu sii hurinayo colaado iyo xurgufo beeleed oo soo jireen ah.

“Eexda qabiilka ku salaysan iyo hubaynta shacabka waxay sii qoto-dheereeyeen kala qaybsanaanta, iyagoo khatar gelinaya nabadda iyo amniga qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Warqaddu waxay xiriir ka dhexaysiinaysaa fashilka maamul iyo isku dhacyo waaweyn oo ka dhacay Wardheer, Birqod, Mooyaale, iyo Shilaabo, waxayna ku qiyaasaysaa in in ka badan 500 oo qof oo rayid ah ay ku dhinteen dhacdooyinkaas, sababo la xiriira colaado hubaysan oo uu maamulku oggolaaday ama uu ka aamusay.

“Maamulka hadda jira wuxuu wiiqay dadaallo dib-u-heshiineed oo socday tobannaan sano, gaar ahaan kuwa u dhexeeyay bulshooyinka Soomaalida iyo Canfarta,” ayaa lagu xusay dukumeentiga. Wuxuu xukuumadda deegaanka ku eedeeyay inay dano siyaasadeed awgood dib u soo noolaysay khilaafyo xuduudeed oo muddo hurday.

In kasta oo ay jiraan warar rasmi ah oo uu maamulku ku beeninayo jiritaanka xiisadaha beelaha, haddana qorayaasha codsigu waxay ku doodayaan in habka dib-u-habaynta maamulka ee socda uu noqday mid lagu abaalmariyo shakhsiyaadka daacadda ah, laguna cabburiyo kuwa ka aragtida duwan, iyadoo la sheegay in degmooyin dhan dib loogu qaabeeyay saldhig daacadnimo siyaasadeed.

Dacwaddu waxay kaloo soo jeedinaysaa digniin culus oo ku saabsan khataraha dibadda ee sii kordhaya, iyadoo maamulka ku eedeynaysa in kormeerka liita iyo maamul-xumida xuduudaha ay u sahashay dagaalyahannada Al-Shabaab inay gudaha Itoobiya u soo gudbaan.

“Waxay [hoggaamiyeyaasha deegaanku] muujiyeen taxadar la’aan baaxad leh oo u gogol-xaartay in xagjiriintu ay si dhuumasho ah ku soo galaan kuna dhex-hawlgalaan deegaanka Soomaalida, taasoo halis ku ah qaranimada Itoobiya,” ayaa lagu yiri dukumeentiga.

Inkastoo mas’uuliyiin deegaanka ka tirsan oo la hadlay warbaahinta The Reporter ay meesha ka saareen walaaca laga qabo soo dhex-galka cadowga, haddana codsigu wuxuu ku boorrinayaa dowladda federaalka ah inaysan dhayalsan “qaab-dhismeedka amniga deegaanka ee sii burburaya.”

“Arrintani kuma koobna dembiyada xuduudaha ka tallaaba, balse waxay si toos ah u taabanaysaa amniga qaranka. Waxa ka dhacaya deegaanka Soomaalida kuma eka halkaas—saamayntoodu waxay gaarayaan guud ahaan Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqadda.

Codsigu wuxuu kaloo ku eedaynayaa maamulka deegaanka inuu hay’adaha amniga u adeegsaday caburinta bannaanbaxyada dadweynaha, gaar ahaan kuwa ay dhigayaan dhallinyarada iyo kooxaha mucaaradka.

“Xukuumadda deegaanku kama aysan bixin jawaab-celin maamul ama mid siyaasadeed oo ku habboon dalabaadka shacabka, balse waxay adeegsatay caburin—iyadoo xirtay dhallinyaro, haween, iyo odayaal, ayna kula kacday jirdil iyo falal kale oo anshaxa ka baxsan,” ayaa lagu yiri.

Jawaabta maamulka deegaanka

Maxamed Aadan, madaxa xafiiska isgaarsiinta ee maamulka deegaanka Soomaalida, oo la hadlay warbaahinta The Reporter, ayaa ku gacan-sayray eedaymaha lagu soo bandhigay codsiga, isagoo ku sifeeyay kuwo siyaasadaysan.

“Eedaymaha musuq-maasuqa waa kuwo gebi ahaanba been abuur ah. Haddii qof sheeganayo in musuq-maasuq jiro, waa inuu keenaa xog iyo caddeyn. Sidaas sahal kuma soo tuuri kartid ereyga ‘musuqmaasuq’,” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu qorayaasha codsiga ku tilmaamay “shakhsiyaad qaba cabashooyin gaar ah,” isagoo shaki geliyay matalaaddooda, kuna eedeeyay inay xiriir la leeyihiin xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyo kale oo dano gaar ah ka leh deegaanka.

“Odayaal ma ahan. Waa shakhsiyaad is-abaabulay. Fikirkoodu wax shaqo ah kuma lahan xoojinta nabadda iyo horumarka deegaanka,” ayuu yiri, isagoo ku adkaystay in aragtidoodu aysan ka tarjumaynin rabitaanka shacabka deegaanka.

Maxamed wuxuu sidoo kale beeniyay eedaymaha la xiriira eexda iyo hubaynta beelaha.

“Ma jirto wax xiisad ah oo beelaha u dhaxaysa. Xaqiiqadu waa taas cagsigeeda. Dadku si diirran ayay u soo dhoweeyeen isbeddellada dhacay,” ayuu ku andacooday.

Marka la eego khataraha dibadda, madaxa isgaarsiintu wuxuu qiray inay jireen dhacdooyin hore oo Al-Shabaab ay ku lug lahayd, balse wuxuu ku adkaystay in “xuduuduhu hadda yihiin kuwo ammaan ah, ciidanka difaacana la geeyay, aysanna jirin wax khatar ah oo hadda taagan.”

Wuxuu sheegay in maamulka deegaanku aanu dhayalsan arrimaha argagixisada.

“Waxa ugu horreeya ee aan cidina illaawi karin waa in Al-Shabaab ay tahay urur argagixiso oo caalami ah. Ma ahan arrin si dhuumasho ah ku dhex-faafta sida arrin beeleed oo kale. Waa koox argagixiso oo caalamku aqoonsan yahay. Dadkan sheeganaya inay odayaal yihiin kama tirsana hay’adaheenna sirdoonka iyo amniga,” ayuu yiri Maxamed.

Codsiga ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq loo jeedinayo dowladda federaalka oo ah inay soo farageliso deegaanka, waxaana la dalbaday in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee maamulka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kama uusan soo jawaab celin codsi falcelin oo loo diray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this