Sign in to follow this  
Deeq A.

Aniga xitaa ma ogi halka lagu keydiyay yuraaniyumta: Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

b9010246-57fe-4f7b-bcb3-156fdddc8b72.jpg

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araqchi ayaa sheegay in xitaa uusan garanayn halka lagu hayo yuraaniyumta la horumariyay ee laga saaray xarumaha nukliyeerka Iiraan.

Waa in la xusuustaa in ka dib dagaalkii ay la galeen Israa’iil iyo weerarradii Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, saraakiisha Iiraan waxay ku andacoodeen in yuraaniyumta hodanka ah laga saaray xarumahaas ka hor weerarrada.

Wareysi uu dhawaan siiyey joornaalka caalamiga ah ee Financial Times, Araqchi waxa uu sheegay in aanu garanayn halka lagu kaydiyo yuraaniyumta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku andacoodey in Iiraan ay weli leedahay awoodda ay ku hodmin karto yuraaniyumteeda.

“Dhismaha dib ayaa loo dhisi karaa, baabuurta waa la beddeli karaa sababtoo ah waxaan haysannaa tignoolajiyadda.”

Waxa uu sheegay in Iiraan ay leedahay saynisyahanno iyo farsamo-yaqaanno badan oo hore uga soo shaqeeyay xarumahan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in goorta iyo sida Tehran ay dib ugu bilaabayso kobcinta yuraaniyumta ay ku xiran tahay duruufaha.

Mar sii horreysay, sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan ayaa sheegay in marka loo eego qiyaasaha hay’adaha sirdoonka Israa’iil, Iiraan aysan ka saarin kaydka yuraaniyumta lagu tayeeyey ee xarumaha nukliyeerka ee Fordo, Nazan iyo Isfahan oo ay weli halkaas yaallaan

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this