Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo kordhay xaalka degmada Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   
Beledxaawo.jpg

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan degmada Beledxaawo ay dib ugu soo laabteen inta badan dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalladii magaaladaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaase ugu dambeyn Arbacadii la wareegay ciidanka uu hoggaaminayo Janan.

Boqolaal shacab ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Mandheera, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay uga qaxeen dagaalka Beledxaawo, waxayna mar kale dib ugu guryo noqdeen deegaankooda, maadaama lagu kala adkaaday dagaalka.

Dadka rayidka ah ayaa si sidoo kale soo dhaweeyay ciidamada dowladda ee la wareegay guud ahaan magaalada Beledxaawo, iyaga oo ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan.

Waxaa sidoo kale haatan dib usoo laabtay adeegyadii muhiimka ahaa ee gudaha Beledxaawo, sida korontada iyo Isgaarsiinta oo go’nayd muddadii uu dagaalku socday.

Dhinaca kale, Cabdirashii Janan oo ay dowladda Soomaaliya u magacowday Taliyaha NISA ee Jubaland ayaa haatan kulamo ka wada magaalada Beledxaawo, isaga oo haatan wadatashiyo la bilaabay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamada ammaanka, kuwaas oo looga hadlay xaaladda degmada iyo sidii loogu soo dabaali lahaa xasilooni.

Sidoo kale waxaa kulamadan oo ay qayb ka yihiin qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Gedo diiradda lagu saarayaa sidii gobolka loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda dhexe.

Si kastaba, degmada Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaallo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday Arbacadii asoo dhaafay.

Ciidamadii Jubaland ee taabacsanaa Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay u carareen dhanka magaalada Madheera ee dalka Kenya, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this