Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo arrin halis ku ah DF u gudbisay beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
515042626_1087673956885984_6919571714880

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumadda Somaliland oo maanta soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah Soomaaliya ayaa eedeymo waawayn u jeedisay dowladda federaalka, xilli haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ka warbixiyay go’aannada ay gaareen ayaa shaaca ka qaaday in qaadistii cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay ka dhalatay hubeynta kooxo argagixiso ah iyo hurinta dagaallo sokeeye oo ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan arrimahani ay halis wayn ku yihiin daganaanshaha gobalka Geeska Afrika, isaga oo toos ugu wargeliyay beesha caalamka iyo daneeyeyaasha Geeska Afrika.

Waxaa kle oo uu ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xaaadaha ka jira dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka 2026.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu yiri wasiirku.

Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aanno adag oo lagu cambaareynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta  faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand, waxayna diiday dhismah maamulka Waqooyi Bari.

“Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu mar kale yiri Axmed Yaasiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this