Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalluumeysato lagu la’ yahay xeebaha degmada Bareedo ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
20250731_063410.jpg?resize=720%2C480&ssl

Wararka ka imaanaya gobolka Raas Casayr ee Puntland ayaa sheegaya in saddex kalluumeysato ah lagu la’ yahay xeebaha degaanka Tooxin ee degmada Bareeda, kuwaasi oo ka baxay marsada Daamo ee nawaaxiga Tooxin.

“Waxaa la la’ yahay Saddexda Kalluumeyste oo aan mid kamid ah ehel nahay, kuwaasi oo doon yar kaga baxay marsada Daamo ee u dhaw degaanka Tooxin degmada Bareedo, kuwaasi oo u kalluumeysi tegey badda. Waxaana aad iyo aad werwer noogu haysa xaaladda maqnaanshahooda.”

“Xilligan waxaa badda ka dhacaya dabaylo xooggan oo aysan xamili karin laashashka iyo doonyaha yar yar ee Kalluumeysiga, taasi cabsi badan ku abuurtay Kalluumeysatada degaanka ee nolol maalmeedka ka raadsada badda, haddana qaarkood lagu la’ yahay badda” ayuu yiri qof ku sugan degaanka Tooxin oo aan ka xigannay warka ku saabsan Kalluumeysatada lagu la’ yahay xeebaha Tooxin.

PUNTLAND POST

The post Kalluumeysato lagu la’ yahay xeebaha degmada Bareedo ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this