Deeq A. Posted Wednesday at 06:20 AM Boqortooyada Ingiriiska ayaa aqoonsan doonta dowlad Falastiin ah bisha Sebtembar haddii Israa’iil aysan qaadin “tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo xaaladda foosha xun ee Qasa,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Israa’iil sidoo kale ay tahay in ay buuxiso shuruudo kale, oo ay ka mid yihiin: in ay oggolaato xabad-joojin, in ay ballanqaaddo nabad waarta oo horseedda xalka laba-dowladood, iyo in Qaramada Midoobay loo oggolaado inay mar kale gaadhsiiso gargaar. Haddii kale, UK waxay tallaabadan ku qaadi doontaa shirwaynaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhici doona Sebtembar. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “abaal-marin u ah argagixisada bahallada ah ee Xamaas”. Markii la weydiiyay haddii uu horey u ogaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha UK, Donald Trump wuxuu sheegay in “aysan arrintaas ka wada hadlin” kulankoodii Isniintii, markaas oo Trump uu booqasho ku joogay Scotland. Wuxuu warfidiyeenka u sheegay: “Waa laga doodi karaa taas, haddiise aad samayso sidaas waxay abaalmarinaysaa Xamaas, mana filayo in loo baahan yahay in la abaal mariyo.” Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska waxaa ku sii kordhaya cadaadiska uga imanaya xitaa qaar ka imanaya xildhibaannadiisa si uu tallaabo uga qaado arrinta si degdeg ah. Toddobaadkii hore, Faransiiska ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u aqoonsan doono dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah bisha Sebtembar wuxuuna noqonayaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan kooxda G7 ee wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida ee sidaas sameeya. Dalalka Islaamka ee doonaya hub ka dhigista Xamaas Xigashada Sawirka,Getty Images Todoba iyo toban waddan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, Turkiga iyo Masar, ayaa ugu baaqay Xamaas inay hubkeeda ku wareejiso Maamulka Falastiiniyiinta intii lagu guda jiray shir Qaramada Midoobay ay isugu yeedhay si dib loogu soo nooleeyo xalka laba dowladood ee khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Bayaan loo bixiyay “Axdiga New York,” oo ay diyaariyeen Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya kuwaasoo guddoomiyay shirka ayaa waxaa saxiixay 15 dal oo kale (oo ay ku jiraan Brazil, Kanada, Turkiga, Urdun, Qatar, Masar, iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyo sidoo kale Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta. Bayaankaasi wuxuu ku baaqayay in dagaalka ka socda Marinka Qasa la joojiyo si loo helo xal caddaalad ah, nabadeed, oo waara oo ku dhisan laba dowladood oo xal u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Bayaanku wuxuu xaqiijiyay in dalalkaasi ay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabooyin dhab ah, wakhti xaddidan leh, oo aan dib looga noqon karin, si loo gaadho xal nabadeed oo rasmi ah oo ku saabsan arrinta Falastiin, iyo hirgelinta xalka laba dowladood. Iyadoo arrintan laga duulayo, waddamadan waxay si xooggan u adkeeyeen in “maamulka, kala dambeynta, iyo sugidda ammaanka dhamaan dhulka Falastiiniyiinta ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo uu leeyahay Maamulka Falastiiniyiinta, iyadoo la siinayo taageero ku habboon,” iyo sidoo kale in “Isra’iil ay tahay inay ka baxdo Marinka Qasa… Xamaasna ay joojiso gacanta ay ku hayso Qasa, ayna ku wareejiso hubkeeda Maamulka Falastiiniyiinta.” Dhanka kale, toddoba iyo toban-ka waddan waxay ku baaqeen in gargaar bini’aadantinimo si aan caqabad lahayn loo gaadhsiiyo Marinka Qasa, oo halis ugu jira macaluul, iyagoo si adag u diiday “in gaajo loo adeegsado sidii hub dagaal.” Waxa kale oo ay taageereen “in la geeyo hawlgal caalami ah oo ku-meel-gaar ah si loo xasiliyo xaaladda” Qasa. Isbeddel siyaasadeed oo weyn Aragti falanqayn ah oo ku saabsan mowqifka Boqortooyada Ingiriiska, oo sameeyay Jeremy Bowen, tifaftiraha arrimaha caalamiga ah ee BBC-da fadhigiisuna yahay Qudus, ayaa sheegay in hanjabaadda Ingiriiska ee ah inuu aqoonsan doono dowlad Falastiini ah ay muujinayso “isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddiisa arrimaha dibadda.” Bowen wuxuu aaminsan yahay in fursadaha ay Israa’iil ku aqbali karto shuruudaha ay soo jeedisay dowladda Ingiriiska ay aad u yar yihiin, maadaama dowladda hadda talada haysa ee Israa’iil si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu gaadho karo xal laba dowladood ah. Xalka laba dowladood kaliya ma’aha mid ay diidanyahiin, balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Israa’iil kuwaas oo ah tiir siyaasadeed muhiim u ah taageerada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay muujiyay rabitaankooda ah in ay ku darsadaan [dalkooda] dhulka ay Falastiiniyiintu sheeganayaan in uu qeyb ka yahay xalka laba dowladood. Bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites