Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado in uu safar ugu baxo dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu booqasho ku tegi doono dhawaan dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga ee Mareykanka.

Madaxweyne Cirro oo u waramayey Bloomberg, waxa uu xusay in Mareykanka ay u socdaan wada hadallo meel wanaagsan maraya oo uu rajaynayo in ay midho dal noqdaan “Waxaan weli ka wadahadaleynaa arrimahaas. Waxaan rajeyneynaa in wadahadalladaas ay midho dhal noqdaan mustaqbalka.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Mareykanku xiisaynayo Saldhi Militeri oo ay Somaliland ku yeeshaan, taasna ay Somaliland diyaar u tahay.

Saleban Saxansaxo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this