Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel losses 80 % of city in less 12hr

Recommended Posts

Xoogaga Islaamiyiinta oo soo buuxiyay goobihii shalay laga saaray kadib markii ay isaga soo carareen Ciidamada Dowladda

Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalka adag kula jira Dowladda KMG ayaa soo buuxiyay oo dib ula wareegay goobihii shalay laga saaray ee ay ku sugnaayeen maalmihii u dambeeyay kadib markii halkaas isaga carareen Ciidamada Dowladda.

Dagaal kooban oo xalay maqribkii iyo galabnimadii shalay ka dhacay aagagii la isku fara saaray ayaa hadana Xoogaga Mucaaradka dib ula wareegeen kadib markii ay la yimaadeen cudud milateri oo dheeraad ah taasoo suura gelisay inay isaga cararaan Ciidamada Dowladda.

Goobaha haatan lakala joogo ayaa ah goobihii maalmihii u dambeeyay ee deegaanada waqooyi, waxaana ay yihiin labada dhinac kuwo is hor fadhiyay oo rasaas goos goos is weydaarsanayay.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa ku sugan Beexaani, Nasiib Buunde, xaafado ka tirsan Shibis, C/casiis iyo Kaaraan, kuwaasoo ahaa meelihii maalmo ka hor la wareegeen isla markaana shalay xoog looga saaray.

Afhayeen u hadlay Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sheegay inay saaka joogaan goobihii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen, waxaana uu sheegay inay qabsadeen Isbitaalka Keysaney oo shalay Saraakiil ka tirsan Dowladda ay ka qudbeeyeen.

Inkastoo dagaalkii shalay kula wehliyeen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM oo taangiyo watay ayaa hadana shalay casir liiqii ay isaga soo baxeen jiida dagaalka AMISOM, taasoo keentay in Ciidamada Dowladda iyagana soo faarujiyaan.

Ma jirto sarkaal u hadlay Dowladda oo shalay guulo caga gaaban noqotay ka sheegatay dagaalada, hase yeeshee Ciidamada Dowladda ayaa ah kuwo looga bartay in meelaha ay qabsadaan ay dib isaga soo baxaan.

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

War anagaa wax aragnay! War ninkii General Duke ahaa ma dawlad-diid buu isu badalay in a span of months. Halkaa kaga hay Duke, waa meeshaan kal hore marayey!!

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

War anagaa wax aragnay! War ninkii General Duke ahaa ma dawlad-diid buu isu badalay in a span of months. Halkaa kaga hay Duke, waa meeshaan kal hore marayey!!

lool, adeer don't get excited happless Sharif has thrown the government into the gutter. Today he does not control a single village or area and the war is largely between Amisom and Al Qaeda. Yesterday Amisom gained him a few districts as soon ad thier tanks left his militia ran away in panic. Sharif has failed it's time for a rethink.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

War anagaa wax aragnay! War ninkii General Duke ahaa ma dawlad-diid buu isu badalay in a span of months. Halkaa kaga hay Duke, waa meeshaan kal hore marayey!!

Ma maqashay "Cadow ama ku cunay ama ku ciideeyay" ?

Share this post

Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by General Duke:

, Sharif has failed it's time for a rethink.

What about the son of A.Yusuf? :D

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^^He has two sons and both are not interested, again we need a rethink and a new plan no more ignorant caravan and fake "Mogadishu society" nonsense. :D

Share this post

Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Duke,

Axmed Abdullahi Yusuf (the short guy) looks fine for me. Waa nin aamusan oo fiican. Bal shirka danbe isaga keena.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Islaamiyiinta oo dib u qabsaday goobihii shalay laga qabsadey ee magaalada Muqdisho.

[Akhris ...]

Muqdisho, July 13 - Goobihii shaley ay ka qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM Malleeshiyaadka Jabhadaha AL Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa maanta waxaa ku sugan kooxaha Mucaaradka ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sidoo kale deegaannada ay soo gaareen kooxaha Mucaaradka ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa Rasaas goos goos ah oo ka dhacaysey jihooyin kala duwan, iyada oo aysan xilligan jirin wax dagaallo fool ka fool ah oo jira.

Maqribnimadii shaley ayaa ay sheegeen dad ku dhaqaan xaafadha u dhaw dhaw Hotel Global in ay isaga guureen ciidamadii dawladda ee halkaas soo gaarey waxaana markii soo gaarey Malleeshiyaadka AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Afhayeenka Al Shabaab SH Cali Dheere oo saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhinaca kalena uu sheegey in ay baddaleen habkii ay u dagaallami jireen kooxdaasi kaddib markii shaley ay dagaalka ay soo galeen ciidamada AMISOM.

Waxaana uu sheegey in ay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta ay ka saarayaan magalada Muqdisho ciidamada uu uga yeerey Ajaaniibta iyo dawladda FKMG.

Dhinacakalena waxaa lagu arki karaa deegaannadii shaley iyo dorraad ay dagaalladu ka dhaceen meydadka kooxaha iska soo horjeeda oo qaarkood la bireeyey halka qaarka kalena jirkooda ay ku yaalliin rasaas, mana jirto illaa iyo iminka cid isu xilsaartey aaska meydadkaas marka laga reebo meydad yiilley deegaannada Kaaran iyo Cabdulcasiis oo ay dadka deegaanka astureen.

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Saraakiisha ka kala tirsan Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo ku xadreeyay goobihii ay dib ula wareegeen

Saraakiil ka tirsan Xoogaga isbaheysanaya ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa ku dul xadreeyay goobaha ay dib u qabsadeen ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen, kadib markii shalay saacado gudahood looga soo saaray, markii Taangiyeyaasha AMISOM si ba'an u garaaceen goobihii ay ku jireen.

Muuse Caraale oo sheegtay Xoghayaha Gaashaandhiga Xisbul Islaam ayaa sheegay in xoogagooda ku sugan yihiin meelihii ay horay u joogeen, isagoona saxaafada ku casuumay inay yimaadaan, waxaana uu tilmaamay inuu ku sugan yahay Saldhiga Kaaraan.

Waxaa uu sheegay inay Xoogaga Mujaahidiinta ku soo laabteen Degmooyinka C/casiis, Kaaraan iyo Shibis halkaasoo saacado gudahood shalay looga saaray, waxaana uu tilmaamay in aanay markan carari doonin oo ay is difaacayaan.

Sidoo kale Waaliga Wilaayada Xarakada Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxaa Xuseen ayaa dhankiisa sheegay inay dib ula wareegeen goobihii shalay laga saaray waxaana uu cadeeyay in dagaalka uu hada galay xaalad cusub sida uu hadalka u dhigay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha ay ku dul xadreeyeen goobahaas ay dib ugu soo laabteen, iyagoo cudud milateri oo dheeri ah ku xoojiyay halkaas, waxaana ay dar daaran iyo gubaabin ugu dhaqaaqeen Xoogagooda oo ay u muujiyeen kalsooni si aysan u soo cararin.

Inkastoo daqiiqad kasta la filan karo is bedel ayaa waxaa hadana soconaya guluf ay wado Dowladda taasoo mar kale ay ku riiqeyso Kooxaha ka soo horjeeda ee soo buuxiyay goobihii shalay laga saaray.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ciidamada dib u gurasho sameeyeen, isla markaana uu socdo qorshayaal kale oo la doonayo in lagu baacsado kooxaha Mucaaradka.

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
RedSea   

Reminds me of A/Yusuf days, whenever the Ethiopian troops gained him some ground, the TFG militia would lose them the next day(:

Share this post

Link to post
Share on other sites

Saraakiisha ka kala tirsan Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo ku xadreeyay goobihii ay dib ula wareegeen

I didn't know inay Alshabaab xadreeyaan ,,,,,, :D

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this