Sign in to follow this  
Deeq A.

Korneyl Afweyne: Puntland waxay mushaar siisaa Inta badan ciidamada fadhiya difaaca SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1753509507835.jpg?resize=720%2C40

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn Korneyl Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed (Afweyne) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan in dowladda Puntland bixiso mushaarka iyo xuquuqda ciidamada fadhiya difaacyada hore ee SSC-khaatumo.

Korneyl Afweyn oo wareysi dheer bixiyay ayaa u jawaabay wasiirka Warfaafinta SSC-khaatumo oo dhawaan dafiray wararka sheegaya in Puntland bixiso mushaarka qeyba kamid ah ciidamada fadhiya jiidda hore ee laga difaaco degaannada SSC-khaatumo, kuwaasi oo ay Puntland sheegtay in ay bil kasta ku bixiso $1.8 milyan oo mushaar iyo xuquuq ah.

Taliye Cabdiraxmaan Afweyne wuxu caddeeyay in Puntland bixiso mushaarka in ka badan 1,000 askari oo fadhiya difaaca Gobolka Cayn, kuwaasi oo ka kooban Daraawiish iyo Boolis, halka jiidda hore ee Gobolka Sool ay fadhiyaan ciidamo kala duwan oo mushaar iyo xuquuq ka qaata Puntland, sida uu warkiisa u dhigay.

Ciidamada Puntland ka mushaar qaata ee fadhiya difaacyada Gobolka Sool ayuu sheegay in ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor, Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash, Korneyl Mubaarik Jiqda iyo Korneyl Bacayoos.

PUNTLAND POST

The post Korneyl Afweyne: Puntland waxay mushaar siisaa Inta badan ciidamada fadhiya difaaca SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this