Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo maanta meel mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1753614955203.jpg?resize=1000%2C6

Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah an cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada .

Golaha Baarlamaanka Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay fadhigii maanta ku meel-mariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada, oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 34 mudane, waxaa ogolaaday ansixinta Xeerkan 32 mudane, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, islamarkaana ma jirin cid diiday, sida uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland oo warkan soo saaray.

“Xildhibaanada golaha wakiillada dowladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada
ee Puntland, waxaa oggol ugu codeeyay 32 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen  2 mudane” ayaa lagu yiri warka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo maanta meel mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this