Sign in to follow this  
General Duke

Qaynyare Muse's men go back to basics..

Recommended Posts

MALEESHIYOOYINKA MUUSE SUUDI IYO MAXAMED QANYARE OO KHALKHAL GELIYAY ISU SOCODKA GAADIIDKA IYO DADKA MUQDISHO

 

 

Somaliweyn(Mogadishu,Jan3,2006)

 

Wasiirada Aminga iyo Ganacsiga Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi ayaa maleeshiyooyin taabacsan waxay afartii maalmood ee la soo dhaafay xasilooni darri ka abuureen degaanada ay gacanta ku hayaan sida Isgoyska Bakaaraha, Jidka Wadnaha iyo Degmada Kaaraan, waxayna ku soo kordhiyeen isbaarooyin aan hore loo arag iyo farteysi ay ku hayaan jeebabka dadka socotada ah ee maraya waddooyinkaasi.

 

 

Inkasta oo xaalada nabadgelyo ay bilaabeen maleeshiyada Muuse Suudi, taasoo sababtay in gaadiidka BL-ka ahi ka soo laabto halka loo yaqaan Geedoole, halkaasoo ay shacabka kuwooda doonaya Kaaraan hoose ay maleeshiyooyinkaasi ku baaranayeen wadada, ayaa waxaa xaaladii uga sii daray maleeshiyada Wasiirka Amniga oo iyaguna dib u soo celiyay isbaaro ay qaadeen toddobo bilood kahor.

 

 

Dib u soo celinta isbaarada Maleeshiyada Maxamed Qanyare ayaa sida la ogyahay waxaa dib u soo celiyay fashilka ku yimid hoggaamiye kooxeedyadii ka midka Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo iyagu ku guul darreystay inay fuliyaan arrimihii ay Muqdisho u yimideen isla markaana ka horjeeday Federaalka, waxayna dad fara badani saadaaliyeen in haddii xaaladu sidan ku sii socoto magaalada Muqdisho uu ka dhici doono dagaal mar kale ka qarxa.

 

 

Dhinaca kale maamulka Golaha degaanka oo ay hormuud u ahaayeen Wasiirada hubeysan ee Muqdisho ayaa weli ku socda khilaafkii iyo fashilkii uu ku bilowday, waxaana arrintaasi ka hadlay mas’uuliyiin fara badan, iyadoo shakiga ugu weyn ee lagu tuhunsan yahay isku dhaca siyaasadeed ee u dhaxeeya Wasiiradaasi laga akhrisan karo iyagoo ka maqnaa madashii lagu caleema saarayay Guddoomiyaha Golaha degaanka, iyo madashii kale ee lagu dooranayay ku xigeenada Guddoomiyaha ee maalintii shalay ka dhacday xarunta Xisbiga, ilaa iyo iminkana wax hadal ah kama soo saarin Wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho ugu tunka weyn.

 

 

-- Jabriil Maxamuud Nuur/Somaliweyn/Mogadishu

"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this