Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si caro leh uga hadlay loolanka awoodda maamul ee DFS iyo dowlad goboleedyada 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo si caro leh uga hadlay is qab-qabsiga awoodda maamul ee u dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamullada ayaa sheegay in dalku uu u baahanyahay dowlad dhexe oo xoog leh, islamarkaana saldhiggeedu yahay caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in aysan suurtagal ahayn in dalka laga soo dhiso degmooyinka ee loo baahanyahay in la xoojiyo awoodda qaranka ee dowladda dhexe, si loo xaqiijiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan wax uu ku tilmaamay shayaadiin siyaasadeed oo halis ku ah dowladnimada iyo wadajirka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay ku howlanyihiin falal u adeegaya gooni u goosasnimo iyo Midnimo la’aan.

Hannaanka Federaalka oo ay Soomaaliya qaatay muddo haatan laga joogo 21 sano ayaa u muuqda inuu abuuray xiisado siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn iyo kala qeybsanaan cuuryaamisay dowladnimada, ayadoo maamullada dalka qaarkood ay u dhaqmayaan sidii dowlado madax-bannaan.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this