Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay magaalada beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada baladxaawo ee gobolka Gedo, ayadoo eedayn culus u jeedisay maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in DFS ay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynayso waxa uu ku tilmaamay fal dambiyeedka uu geystay Axmed Maxamed Islaam oo ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

War saxaafadeedka wasaaradda amniga XFS ayaa lagu yiri “duhurnimadii maanta maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Maxamed Islaam ayaa weerar bareer ah ku qaaday xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka.

Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha.

Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah.

Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this