Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dil naxtin leh oo xalay ka dhacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa.png

Hageysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil naxtin leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kadib markii nin ku hubeysnaa bistoolad uu toogasho ka gaystay bartamaha magaaladaasi oo xarun u ah Maamulka Somaliland.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Haregysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu beegsaday dadkii ka shaqeynayay basaska ee ku sugnaa goobta, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Khadra Cabdi Jaamac oo kamid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa la hadashay warbaahinta, waxayna ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, iyada oo tilmaamtay in ninka bistoolada watay uu goobta yimid, kadibna uu fuliyay toogashada, waxaana ku dhintay hal wiil, iyadoo mid kale uu dhaawacmay, kuwaas loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Goorto waxay ahayd habeen abaare saaladdii Cishaha haadkaa koonfur xiga ayuu marayay ninka wuu cararaayay bistooladna wuu laaladsanayay dadka ay waxyeelladu soo gaartay waa laba inan mid wuu dhintay, midna waa dhaawac” ayay tiri Khadra Cabdi.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka weerarka gaystay uu goobta isaga baxsaday, kahor, inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka ee Somaliland.

“Qofka dilka gaystay lama qaban dariiqa ayuu maray, waana baxsaday, ninkuna wuxuu ahaa nin jab yar oo dhuuban oo aad u cararaya” ayuu mar kale tiri Khadra.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadan, waxaase haatan soconayo baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

Si kastaba, Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in dambiilaha lasoo qabto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this