Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku aqbalay luminta Xubintii golaha ee Abwaan Cabdirashiid

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752566304635.jpg?resize=1000%2C6

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay aqbalaadda luminta xubinimada golaha ee mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhigii saaka ee Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 43 mudane ayuu golaha wakiilada Puntland ku meel-mariyay luminta xubinimada golaha ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo dhawaan xilkaasi iska casilay sida uu ka shaaciyay Shirkii dhammaystirka maamul dhiska SSC-khaatumo ee Laascaanood.

38 mudane ayaa u codeeyay aqbalaadda luminta xubinimada Baarlamaanka ee Cabdirashiid Abwaanka, hal xildhibaan ayaa diiday, halka ay ka aamuseen 4 xubnood sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka Puntland oo warkan ku dhawaaqay.

Abwaan Cabdirashiid oo hore u soo noqday guddoomiyaha golaha Puntland ayaa maalmo ka hor shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay xubintii xildhibaanka si uu qeyb uga noqdo qorshaha dhammaystirka maamul u samaynta iyo midaynta Maakhir iyo Khaatumo oo ka socda Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku aqbalay luminta Xubintii golaha ee Abwaan Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this