Sign in to follow this  
Deeq A.

Birmadka Booliska Puntland oo sheegay in ay hawlgal ka sameeyeen Baallade iyo Biyo-kulule

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752757767088.jpg?resize=960%2C64

Ciidanka Birmadka ee Booliska Puntland ayaa hawlgallo ballaaran ka wada buuraha Calmiskad, gaar ahaan togagga Baaladle iyo Biyo Kulule, si ay u baacsadaan firxadka argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya degaannadaas.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu yiri ” Ciidanka Birmadka ee Booliska Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka wada buuraha Calmiskad, gaar ahaan togagga Baaladle iyo Biyo Kulule, si ay u baacsadaan firxadka argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya deegaannadaas.”

Taliye ku xigeenka 2aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Ilig iyo Taliyaha howlgalinta ciidanka daraawiishata Gen Maxamed Degelle,Taliyaha ciidanka Birmadka Booliska G/le Abdi Siciid Magli  Iyo Dhamme Rabiile Abdirashiid Saleban oo hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ay tahay in si buuxda loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee halista ku haya amniga iyo xasilloonida shacabka Puntland. Waxay intaas ku dareen in howlgalka uu socon doono ilaa laga xaqiijinayo in dhammaan kooxahaasi laga saaro deegaanka, isla markaana la sugo nabadgelyada guud.

PUNTLAND POST

The post Birmadka Booliska Puntland oo sheegay in ay hawlgal ka sameeyeen Baallade iyo Biyo-kulule appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this