Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweynaha IRAN oo la sheegay in uu ku dhaawacmay duqaymihii Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kasoo baxay wakaaladda Fars ee dalka Iran, taasoo si dhow ula shaqeysa Ilaalada Kacaanka (IRGC), ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, uu dhaawac fudud kasoo gaadhay mid kamid ah weerarradii Israa’iil ku qaaday gudaha Iran bishii la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay warbixinta Fars oo la daabacay 13-kii July, weerarku wuxuu dhacay 16-kii June, xilli uu madaxweynuhu ku sugnaa xarun sir ah oo dhulka hoostiisa ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Tehran, halkaasoo uu shir deg-deg ah kula lahaa Golaha Qaranka ee Ammaanka Sare – oo ah hay’adda ugu sarreysa ee go’aan ka gaadha arrimaha amniga qaranka marka laga reebo hoggaamiye Ayatullah Cali Khumayni.

Warka ayaa intaas ku daraya in lix bam lagu garaacay albaabada galitaanka iyo bixitaanka xaruntaasi sirta ah, iyadoo sidoo kalena ay waxyeelo soogaadhay korontadii iyo qalabkii hawada siinayay xarunta. Madaxweyne Pezeshkian ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac ka soo gaadhay lugta isla markaana isaga iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay goobta ka baxsadeen iyaga oo adeegsanaya marin sir ah oo loogu talogalay in si deg-deg ah looga baxsado.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ayaa muujinayay weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday buur ku taalla waqooyiga galbeed ee Tehran. Wararka cusub waxay caddeynayaan in maalintii afraad ee dagaalka ay Israa’iil beegsatay xaruntan sirta ah halkaas oo ay joogeen madaxda ugu sarreysa dalka Iran.

Weerarkan ayaa sidoo kale sababay go’itaanka isgaadhsiinta xarunta, taasoo keentay in madaxda sare ay muddo 24 saacadood ah ku jiraan xaalad jahwareer iyo go’aan qaadasho la’aan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Israa’iil ayna ujeeddadeedu ahayn “in ay riddo nidaamka” balse madaxda Iran ay si weyn uga yaabeen weerarrada, gaar ahaan markii la dilay saraakiil badan oo ka tirsan IRGC iyo ciidamada milatariga maalmaha hore ee dagaalka. Madaxweyne Pezeshkian ayaa toddobaadkii hore si toos ah ugu eedeeyay Israa’iil in ay isku dayday dilkiisa, balse Israa’iil ayaa diidday eeddaas.

Sidoo kale, wararka qaar waxay sheegayaan in hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatullah Cali Khumayni, uu badhtilmaameed u ahaa weerarrada, hase yeeshee Israa’iil ay weyday raadkiisa kadib markii si qarsoodi ah meel ammaan ah loogu wareejiyay.
Waxaa wali la isweydiinayaa sida Israa’iil u heshay xogta sirta ah ee ku saabsan goobaha ay joogaan madaxda Iran, xeryaha milatariga iyo kuwa nukliyeerka ee dhulka hoostiisa laga dhisay.

Dagaalka ayaa qarxay 13-kii June kadib markii Israa’iil si lama filaan ah u bilowday weerarro lagu badhtilmaameedsaday xarumaha nukliyeer ka iyo ciidamada Iran, iyadoo sheegtay in ay ka hortagayso horumarka Iran ee dhinaca hubka nukliyeerka.

Iran ayaa ku andacootay in aysan wadan barnaamij hub nukliyeer ah, isla markaana hawsha ay wadaan ay tahay mid ujeedadeedu tahay tamarta nabadgelyada ah. 22-kii June, Maraykanka ayaa isna qaaday duqeymo cirka iyo badda ah oo lagu beegsaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iran leedahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in weerarradaasi “ay gebi ahaanba burburiyeen” xarumahaas, inkasta oo hay’adaha sirdoonka qaar ay muujiyeen dareen ka duwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this