Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo duqeysay Taliska dhexe ee militariga dalka Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa Arbacadii sheegay in ay duqeeyeen albaabka laga galo xarunta dhexe ee ciidamada Suuriya ee ku taalla caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo weerar kale oo ka weyn isla goobtaas lagu qaaday saacado yar kaddib, sida uu sheegay telefishinka dowladda Suuriya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa ilo ammaanka Suuriya, in ugu yaraan laba weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhaceen dhismaha Wasaaradda Difaaca Suuriya.

Weeraradan la sheegay ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay wacad ku martay inay kordhin doonto duqeymaha ay ka geysaneyso dalka Suuriya, haddii aysan dowladdu kala bixin ciidamadeeda deegaannada koonfureed ee ay dhawaan ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay qabaa’ilka Druze iyo Bedouin.

Israa’iil ayaa hadda duqeysay Suuriya maalintii saddexaad oo xiriir ah, iyadoo sheegtay in weeraradeeda ay uga gol leedahay in ay ku difaacdo dadka laga tirada badan yahay ee Druze ka dib markii ciidamada dowladda Suuriya ay u soo dirtay joojinta dagaalka u dhexeeya Druze iyo dagaalyahannada Bedouin ay ku dhammaatay inay isku dhacaan maleeshiyaadka Druze laftooda.

Warbaahinta dowladda Suuriya iyo goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay Israa’iil duqeymo ka geysatay magaalada Druze ee Sweida oo ay ku badan tahay, halkaasoo uu dagaalku ka socdo kaddib burburkii xabbad-joojinta.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in “digniintii u direen Dimishiq ay dhammaatay – hadda dharbaaxo xanuun badan ku dhufan doonaan,” isaga oo sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ay ka go’an tahay ilaalinta bulshada Druze ee Suuriya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this