Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dowladda federaalka ku eedeysay inay colad ka hurineyso gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

a691da01-3106-4c3e-8ee3-9c653a8d7df8.jpg

Puntland ayaa cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhahar ee Sanaag, iyadoo dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay inay maalmihi u dambeeyay gobollada Puntland ka waday “hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”.

“Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda Xassan Sheekh in ay galabta maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

“Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha Calmiskaad iyo Calmadow wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Waxay ugu dambeyntii tacsi u dirtay dadkii ku dhintay dhacdadii shalay galab ka dhacday degmada Dhahar, iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this