Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta loo doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752070627872.jpg?resize=1000%2C6

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta degmada Bosaaso ee Gobolka Bari ku qabatay doorashada guddoomiyaha cusub ee degmada Bosaaso iyadoo Golaha degaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen gudoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Bosaaso waxaa isu soo taagay 4 musharax Musharax, kuwaas oo seddex ka mid ah u tanaasuleen guddoomiyaha cusub ee loo doortay degmada Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac) oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Mideeye, Sidaa darteed, waxay doorashadu u dhacday hab xor ah oo xaal ah waxaana Guddoomiyaha gacanta u taagay dhammaan Xildhibaanada ee Golaha deegaanka Bosaaso oo ka kooban 33 Mudane Gole deegaan, majirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada duqa cusub ee degmada Bosaaso ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta loo doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this