Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Deni iyo Charles King oo kulan wada qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000037930.jpg?resize=1000%2C767&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, arrimaha gudaha ee Puntland sida la-dagaalanka argagixisada, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland iyo mashaariicda horumarin ee UK ay ku fuliso Puntland.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay Puntland soo gaarsiisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad, oo ay ku taageertay hawlgalka Calmiskaad, iyadoo Puntland lagu boggaadiyay sida ay uga go’antahay ciribtirka argagixisada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyass Cismaan Lugatoor iyo xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda.

1000037928.jpg?resize=1000%2C873&ssl=1 1000037936.jpg?resize=1000%2C740&ssl=1 1000037937.jpg?resize=1000%2C822&ssl=1 1000037929.jpg?resize=1000%2C885&ssl=1 1000037932.jpg?resize=1000%2C825&ssl=1 1000037934.jpg?resize=1000%2C769&ssl=1 1000037935.jpg?resize=1000%2C828&ssl=1 1000037931.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000037939.jpg?resize=1000%2C1009&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garowe: Deni iyo Charles King oo kulan wada qaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this