Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo isku mawqif ka noqday Shirka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250712_055509945.jpg?resize=819

Garaadka guud ee Beelaha Sool clan garaad Jaamac garaad Cali oo markii u horraysay ka hadlay mawqifkiisa ku saabsan Shirka dhammaystirka maamul u samaynta SSC-khaatumo ayaa ka horyimid in Shirkaasi lagu marti-qaado dad aan si sax ah u matalin Beesha East Sanaag Clan.

“Talo meel kale laga soo raray laygu dhaqi maayo, wixii aan 15 sano ka dagaalamay in walaalahay Warsangali lagula dhaqmo yeeli maayo aqbali maayo- Warsangali waa walalaahayo umana quudhno in aan dhahno anagaa idinka xuleynayna waxaan rabno, mana dhacayso kulama dhici karno wixii aan shalay diidnay, kana dagaalnay wax naga suuragalaya maaha, Naga raali ahaada walaalayaal Talo mideysan ayaa rabnaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac garaad Cali ayaa sheegay in ay SSCKHAATUMO taladeeda leedahay, meel kalena aan laga go’aamin karin, wuxuuna ka digay ficilada socda ay halis noqon karaan, isagoo sheegay in uu horey ugu soo joogay been abuuro iyo balan-qaadyo aan dhab aheyn oo ka imaanayay cidda hadda riixaysa Shirkan oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale,  Suldaanka Guud ee Beelaha East Sanaag Clan Suldaan Siciid Suldaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka garaad Jaamac Garaad Cali, waxaana uu caddeeyay in aysan Beesha East Sanaag Clan qeyb ka ahayn Shirka Laascaanood, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha. Suldaan Sicid Suldaan Cabdisalaam ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in dadka walaalaha ah ee Sanaag iyo Sool aysan colaad dhexdhigin oo kala dilin.

Muuqaalka garaadka iyo suldaanka

PUNTLAND POST

The post Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo isku mawqif ka noqday Shirka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this