Deeq A. Posted Monday at 08:35 PM Wadamada Mali iyo Ruushka ayaa kala saxeexday heshiisyo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu ballaadhiyo ganacsiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhaqaale kuwaas oo ay ka mid yihiin ballan qaadka iskaashiga tamarta nukliyeerka, sida ku cad faahfaahinta Kremlin-ka. Ku dhawaaqista heshiisyada ayaa yimid xilli uu booqasho ku yimid Moscow hogaamiyaha milatariga Mali Col Assimi Goïta, oo wadahadal laba saacadood ah la qaatay madaxweyne Vladimir Putin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka. Goïta ayaa sare u qaaday xidhiidhka Ruushka tan iyo markii uu la wareegay awooda 2021, iyada oo hoos u dhigtay xidhiidhkii uu la lahaa gumeysigii hore ee Faransiiska. Tani waxay ka tarjumeysaa isbeddel ballaadhan oo gobolka ah, iyada oo deriska Burkina Faso iyo Niger ay sidoo kale u janjeedhaan dhanka Ruushka ka dib markii la afgambiyay hoggaamiyeyaasha rayidka ahaa. Isaga oo ka hadlayay Isniintii, Putin wuxuu sheegay in inkasta oo xidhiidhka ganacsi ee Mali uu ahaa “mid dhexdhexaad ah” waxaa jiray isbeddel sare oo mustaqbalka noqon doona iskaashiga sahaminta juqraafi, tamarta, saadka iyo arrimaha bini’aadanimada”. Maali iyo Ruushka ayaa horay uga wada hadlay dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah oo uu Ruushka u qaabeeyay si ay u noqoto mashruuc istaraatiiji ah oo tamarta Mali. “Booqashadan rasmiga ah waxay gacan ka geysan doontaa sii qoto dheereynta xidhiidhkayaga si ay ku dheehan tahay is-aaminaad labada dhinac ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida,” ayuu yidhi Col Goïta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Mali. Iskaashi militari ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah isbahaysiga Ruushka iyo Mali. Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee Ruushka ayaa taageerayay dowladda Col Goïta tan iyo markii ciidamada Faransiiska iyo kuwa Qaramada Midoobay laga saaray dalka kadib sanado badan oo ay socdeen howlgalo ka dhan ah fallaagada. Kooxda Wagner ayaa dhawaan ka baxday dalka, laakiin ciidan kale, oo Afrikaan ah, ayaa weli ah. Markii ay ciidamadu la wareegeen awoodda dalka Maali, waxay sabab uga dhigtay in loo baahan yahay in la xakameeyo xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa. Si kastaba ha ahaatee rabshadaha ayaa ka sii daray sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo la ballanqaaday in wax laga qabanayo colaadda. Wasiirka Difaaca Ruushka Andrei Belousov, oo wadahadalo gooni gooni ah la yeeshay dhiggiisa Mali Sadio Camara, ayaa sheegay in muhiimada iskaashiga Ruushka iyo Mali uu yahay “in la gaadho natiijooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo amniga iyo madax banaanida”. “Habkani waa furaha guul kasta iyo guul kasta,” wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay isaga. Source Share this post Link to post Share on other sites