Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Maraykanka oo hub siinasya dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday u diri doona dalka Ukraine hub awoodaasi oo uu si joogto ah u isticmaali jiray madaxweynihii isaga ka horeeyay, sida ay sheegeen laba ilo oo lagu kalsoon yahay Khamiistii.

Tallaabadaasi ayaa muujinaysa daneynta dib u soo cusboonaatay ee madaxweynaha ee ilaalinta Ukraine.

In ka badan saddex sano ka dib markii Ruushku weeraray Ukraine, kooxda Trump waxay eegi doonaan hubka kaydka Mareykanka si loo gaarsiiyo Ukraine iyada oo la isticmaalayo awoodda Madaxweynaha, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Trump ayaa Talaadadii sheegay in Maraykanku uu hub badan u diri doono Ukraine si uu uga caawiyo dalkaasi inuu iska difaaco gardarrada sii kordhaysa ee Ruushka.

Waxa suurgal ah in hubkan ay ku jiraan gantaalada difaaca ee Patriot loo yaqaano iyo gantaalada riddada dhexe, laakiin go’aanka ku saabsan waxa saxda ah ee lagu dari karo wali lama gaarin, sida ilo-wareedyada ay sheegayan.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this