Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga filan karaa socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ku tilmaamtay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynuhu Federaalka waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdigiisa , taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda gobolka geeska afrika ay meel adag marayso, waxaana la filayaa in masar ay Soomaaliya kala hadli doonto xoojinta iskaashiga laba dal maadaama ay si weyn isku hayaan Itoobiya oo dhowaan shaacisay inay dhammaystirtay biya-xireen ay muddo ka dhisanaysay webiga Niil.

Sidoo kale Xukuumadda Qaahira waxay doonaysaa inay garab u noqato Eritrea oo ay xiisad adagi kala dhexayso Addis Ababa, arrimahaasoo dhamina waa kuwo saamayn xooggan ku yeelan doona Soomaaliya, balse lama oga sida ay DFS uga dabaalan doonto.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this