Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaan-baxyo weyn oo berri ka dhacaya Nairobi iyo halis ku wajahan Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Berri oo Isniin ah, waxaa la filayaa in guud ahaan dalka Kenya ay ka dhacaan mudaharaadyo ballaaran. Boqollaal kun oo qof ayaa la filayaa inay magaalada Nairobi isugu soo bixi doonaan bannaanbaxyadaas.

Markasta oo ay dhacaan banaanbaxyada noocaan ah, waxaa soo noq-noqda dhacdooyin lagu bartilmaameedsado ganacsiyada ay Soomaalidu ku leeyihiin bartamaha magaalada Nairobi.

Horey ayaa dhowr jeer loo jabiyay tukaamo ay Soomaalidu leeyihiin, arrintaasoo walaac weyn ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Maanta muuqaal laga duubay bartamaha Nairobi ayaa muujinayay qaar kamid ah ganacsatada oo alaabtooda ka daad-gureynaya tukaamadooda, si ay uga hortagaan khasaare suurtagal ah oo ka dhalan kara rabshadaha la filayo.

Sidoo kale, toddobaadkan baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal uu iska soo duubay wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah, kaasoo sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu wado abaabul dhalinyaro badan ah oo lagu doonayo in lagu weeraro xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Wararka la isla dhex-marayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedku yahay bililiqeysi iyo waxyeello loo geysto hantida dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Waxaa xusid mudan in wiil Soomaali ah uu ku dhintay mudaharaadyadii dhacay 25-kii bishii hore, taasoo cabsi horleh ku abuurtay bulshada Soomaalida ee Kenya.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Islii ayaa looga digay in ay ka fogaadaan bannaanbaxyada isla markaana ay taxadar muujiyaan. Waxaa muhiim ah in qof walba uu iska ilaaliyo meelaha rabshaduhu ka dhici karaan, ayna doorbidaan in ay guryahooda joogaan si ay u badbaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this