Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Qaahira ka degay iyo xogta safarkaan oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Sidii aan saakay waaberigii baahinay Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda wajahaya cadaadis uga imaanaya Addis Ababa iyo Qaahira, kaas oo u baahan maarayn iyo go’aan qaadasho adag.

Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya.

Dhinaca kale, waxaa xoogaystay khilaafka u dhexeeya Addis Ababa, Asmara, iyo Qaahira. Madaxweynaha Masar ayaa wada cadaadis uu Xasan Sheekh ku saarayo, si uu uga qeyb noqdo go’doominta Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo, ay taasi ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.

1e8b8772-1bd5-4934-9042-3132917cdb29.jpe ec620107-af83-49cf-8805-3921194d2037.jpe 0e54d4cf-9960-4740-8624-5e4f8f985915.jpe 281a27b4-3598-47e4-9c41-e60b6763a362.jpe ee836ca6-ba2a-42bb-b91a-fb7bb3050485.jpe 8c1beee8-0c60-43ab-8681-3fcd50656075.jpe

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this