Deeq A. Posted 13 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dalka Mareykanka kaddib fatahaado ba’an oo ku dhuftay gobolka Texas, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof, welina la la’yahay tobannaan kale, oo ay ku jiraan carruur ku maqan xero xagaaga ah oo ku taalla meel u dhow Kerrville. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axadda, ayay dowladdu ugu muujisay shacabka iyo hoggaanka Mareykanka dareen murugo qoto dheer, iyadoo ku tilmaantay dhacdadan “musiibo dabiici ah oo naxdin leh,” ayna muujisay garab istaag ay la garab taagan tahay dhammaan dadka ay saamaysay. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalka Mareykanka xilligan adag ee murugada leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Qalbigeennu wuxuu la jiraa qoysaska geeridu ku habsatay, gaar ahaan kuwa ay saamaysay masiibada ka dhacday degmada Kerr, iyo dhammaan bulshooyinka la tacaalaya saameynta musiibadan dabiiciga ah.” Fatahaadaha ayaa ka dhashay duufaan xooggan oo si kedis ah uga dhacday gobolka Texas subaxnimadii hore ee Jimcaha, taasoo sababtay in webiyadu ay si xawli ah u buux-dhaafaan. Webiga Guadalupe ayaa kor u kacay 26 fiit (8 mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, taasoo lama filaan ku noqotay dad badan oo deegaanka ah iyo dalxiisayaal, waxaana biyuhu ay qaadeen guryo, la dageen gaadiid, ayna go’doomiyeen deegaanno dhan. Muuqaallada ugu murugada badnaa waxay ka dhaceen xero lagu magacaabo Camp Mystic, oo ah xero xagaagga loo dalxiis tago oo gabdhaha loogu talagalay, kuna taalla daanta webiga ee degmada Kerr. Hay’adaha ayaa xaqiijiyey in weli la la’yahay 11 carruur ah oo xerada ku jirtay iyo hal macallin. Qoysaskii ayaa Axaddii bilaabay inay ku laabtaan goobta burburtay si ay u raadsadaan hantidoodii ayna u helaan xog ku saabsan aayaha ehelkooda. “Waan sii wadi doonnaa baadigoobka ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska degmada Kerr, Larry Leitha, oo xaqiijiyey in 70 meyd ah laga helay degmadiisa oo keliya – oo ay ku jiraan 21 carruur ah. “Waa waajib na saaran inaan sidaas u samayno qoysaska.” Xilli ay qoysasku dhex marayeen xerada ay fatahaaduhu baabi’iyeen, qaar badan ayaa ilmeeyey markii ay arkeen sariirihii oo isku maroorsamay, dhar biyo ka buuxaan, iyo aqallo dumay. Nin ayaa la arkay isagoo ku dhex lugeynaya daanta webiga, oo eegaya geedaha isku baxay iyo dhagxaanta hoostooda, isagoo rajeynaya inuu helo calaamad muujinaysa alaabtii gabadhiisa. Haweeney iyo gabar kuray ah oo ku labisan kabo caag ah oo biyaha looga gudbo ayaa isku duubay oo ku ooyey bannaanka aqal burburay. Qoys kale ayaa xerada ka baxay iyagoo sido sanduuq buluug ah, wejigoodana ay ka muuqatay tiiraanyo. Dadaallada samatabixinta iyo baadigoobka ayaa waxaa ka qaybqaadanaya hawlgal ballaaran oo ka socda dhowr degmo. Guud ahaan, dhimashada ayaa laga soo sheegay lix degmo: Kerr (59), Travis (4), Burnet (3), Kendall (2), Tom Green (1), iyo Williamson (1). Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay taageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo doonyo, ayaa samatabixiyey in ka badan 850 qof 36-kii saac ee ugu horreeyey musiibada. Tobannaan kale ayaa weli la la’yahay, hay’aduhuna weli ma aysan soo saarin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan dadka maqan. Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii saxiixay bayaan musiibo weyn ku dhowaaqaya oo loogu talagalay degmada Kerr, kaasoo u saamaxaya in kheyraadka dowladda dhexe, iyadoo la marinayo Hay’adda Maareynta Gurmadka Degdegga ah ee Federaalka (FEMA), lagu caawiyo dadaallada heer gobol iyo heer degmo. “Qoysaskani waxay la kulmayaan masiibo aan la qiyaasi karin, iyadoo dad badan ay dhinteen, kuwa kalena ay weli maqan yihiin,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. “Qaranka oo dhan wuxuu la garab taagan yahay Texas xilligan murugada leh.” In kasta oo ay jireen digniino rasmi ah, qoysas walaacsan iyo mutadawiciin ayaa sii waday inay lugeeyaan oo ay ka baaraan deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen, iyagoo inta badan shanleynaya daamaha webiyada, halkaas oo rajada laga qabay in la helo dad kale oo badbaaday ay sii yaraanaysay saacad kasta oo dhaafta. Kooxo wata mashiinno culus ayaa meelaha u dhow ka shaqeynayay si ay biyaha uga saaraan burburka, geedaha waaweyn ee salka go’ay, iyo laamaha isku cakiran. Dhanka kale, waxaa soo badanaya su’aalaha la xiriira in la bixiyey digniino ku filan iyo in loo sameeyey diyaar-garow ku habboon deegaankan oo taariikh ahaan u nugul fatahaadaha dilaaga ah. Dhulka buuraleyda ah ee Hill Country iyo dooxooyinka ciriiriga ah ee webiyadu ku yaallaan ayaa muddo dheer ka dhigay mid u nugul kororka degdegga ah ee biyaha – khatartaas oo khubaradu sheegeen inay sii kordhiyeen isbeddellada cimilada ee xad-dhaafka ah. War-saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya, oo ah dal aan ku cusbayn musiibooyinka dabiiciga ah iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo, ayaa xoojiyey dareenka caalamiga ah ee is-damqashada iyo wadajirka marka la wajahayo nuglaansho la wadaago. “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa dareenkeeda murugada leh iyo qaddarinta qotoda dheer ee ay u hayso hoggaanka iyo shacabka Mareykanka xilli ay marayaan marxaladdan adag,” ayay tiri wasaaraddu. Labada dal waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga bini’aadannimo, la-dagaallanka argagixisada, iyo xiriirka jaaliyadaha. Iyadoo la saadaalinayo roobab dheeraad ah maalmaha soo socda, ayna weli jiraan digniino ku saabsan fatahaado kedis ah oo ka jira qeybo ka mid ah bartamaha Texas, mas’uuliyiintu waxay ka digeen in khatartu ay weli taagan tahay, geeddi-socodka soo kabashaduna uu noqon doono mid dheer oo adag. Hase yeeshee, qoysaska dadka la la’yahay, diiradda ugu weyn ayaa weli ah sidii loo heli lahaa ehelkooda iyo in la xuso nolosha dadkii ku geeriyooday musiibada. Share this post Link to post Share on other sites