Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhigii 25-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1751544764631.jpg

Fadhigii 25-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlayna waxa ka mid ahaa:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaasi rasmi ah Golaha Wasiirrada uga xog warramay waxyaabihii uga soo qabsoomay Safarkii ay isaga iyo weftigiisu dhawaan ku tageen dalka Qatar,
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay muhiimadda uu Safarkiisu u lahaa guud ahaanba qaddiyadda Somaliland, gaar ahaana Xoojinta Iskaashiga Diblomaasiyadeed, Amni, Dhaqaale iyo Horumarineed ee u dhexeeya Somaliland iyo Qatar.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in isaga iyo weftigiisu muddadii ay Safarka Shaqo ku joogeen dalka Qatar ay ka qayb galeen ugu yaraan 9 kulan oo midho-dhal ah muhiimadna u leh dalkeena. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay kulammo gaar-gaar ah la yeesheen qaybo ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Qatar, gaar ahaan Ganacsatada, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo haldoorka Dhallinyarada.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay, marka dhan kasta laga eego, in Safarkii Qatar uu Qarankeena u ahaa guul iyo horumar wax ku ool ah, taasi oo sii xoojinaysa mawqifka iyo meeqaamka ay Somaliland ka taagan tahay ajendaha Amni iyo ka istiraatijiyadeed ee gobolka.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mu dane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in amniga iyo xasilloonida dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ahi.
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi.
4. Warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyey ee Masiibada Dabkii ka holcay Sil-siladda Buuraleyda Gobolka Sanaag, gaar ahaan Daalo iyo nawaaxigeeda, sida loola tacaalay damintiisa, casharrada laga baran karo iyo qaabka ugu habboon ee masiibada dabka mustaqbalka loogu diyaar garoobi karo :
Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire).
5. Warbixinta Xaaladaha Abaaraha iyo saameynta ay ku leeyihiin nolosha Xoolaha, dedaallada qorshaysan ee loo baahan yahay, Dhoofka Xoolaha ee Cummaan:
Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed.
6. Warbixinta hab-sami-u-socodka Imtixaannada Shahaadiga ee ay Ardayda Somaliland sannadkan 2025-ka u fadhiisteen, kaasoo si guul ah uga qabsoomay gebi ahaanba Gobollada Dalka JSL:
Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf.
7. Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amni ee Gobolka Badhan:
Arrintan waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Saciid Maxamed Buraale, isaga oo dul istaagay tallaabooyinka Xukuumad ahaan loo baahan yahay in la qaado.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this