Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo la kulantay wafti ka socda Switzerland

Recommended Posts

Deeq A.   

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗼𝗿𝘀𝗵𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗲𝗳𝘁𝗶 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮.
FB_IMG_1751553108428.jpg

FB_IMG_1751553112556.jpg

FB_IMG_1751553117438.jpg

FB_IMG_1751553129119.jpg

FB_IMG_1751553132738.jpg

FB_IMG_1751553136678.jpg

FB_IMG_1751553141458.jpg

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, oo ay weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wefti heer sare ah oo ka socday Safaaradda Switzerland ee Bariga Afrika.
Weftigan oo uu hoggaaminayay 𝗟𝗲𝗻𝘀𝘀𝗲 𝗚𝗼𝗯𝘂, Madaxa Barnaamijyada Caafimaadka ee Safaaradda Switzerland u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa socdaalkooda ku salaysnaa xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dawlada Somaliland iyo Safaaradda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay xubnaha weftiga siiyeen warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad ( NDPIII), iyo mudnaanta baahiyaha horumarineed ee ka jira deegaanada Somaliland.

Waxay sidoo kale kala hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarka ee Dowladda Somaliland iyo Dowladda Switzerland, gaar ahaan dhinacyada horumarka caafimaadka, adeegyada bulshada, iyo mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah bulshada.

Dhankooda, xubnaha weftiga ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ay Safaaradda Switzerland ka wado Somaliland, iyaga oo si gaar ah u iftiimiyay barnaamijyada caafimaadka ee socda iyo fursadaha lagu ballaadhin karo taageerada mustaqbalka.

Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan sii xoojinta wadashaqaynta labada dhinac si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this