Sign in to follow this  
Deeq A.

Abi Ahmed oo mar kale ka hadlay baahida uu dalkiisu u qabo un uu bad helo

Recommended Posts

Deeq A.   

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay baarlamaanka dalkaasi.

Khudbadda ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Itoobiya, kan gobolka iyo guud ahaan xaaladda dalkiisa.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid aan wanaagsaneyn kadib dagaalkii ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya.

Abiy oo loo soo jeediyey su’aal arrintaas ku saabsan ayaa kaga jawaabayay eedeymihii dhawaan uga yimid Eritrea ee ahaa in dalkiisu “uu maleegayo dagaal”.

Ma ridi doono wax rasaas ah, mana doonayno dagaal” ayuu yiri. “Si kastaba ha ahaatee, haddii aan aragno xaalad halis ku ah xorriyadeena, waan is difaaci doonnaa” ayuu sii raaciyey.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu si cad u sheegay in gelitaanka Badda Cas ay tahay arrin badbaado u ah Itoobiya oo aan bad laheyn, hadalkaas oo walaac ay ka muujiyeen dalalka gobolka ee dariska la ah Itoobiya.

Waxaa kale oo uu muran ka dhashay heshiiskii isfahan ee dhanka badda ee ay wada gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland horraantii 2024.

Soomaaliya ayaa cambaareysay heshiiskaas sababtoo ah waxay Somaliland u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ku saabsan in heshiiskani laga noqday, ayaa haddana waxaa la sheegayaa inuu hakad ku yimid hanaanka heshiiska.

Abiy ayaa carrabka ku adkeeyay in wax kasta oo xal u ah rabitaanka badda Itoobiya ay tahay in lagu dhameeyo wadahadal.

“Waxaan aaminsanahay in rabitaanka helitaanka badda lagu dhammeeyo wadahadal nabadeed,” ayuu yiri Abiy, laakiin ma uusan faahfaahin in dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed la billaabay iyo in kale.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Wuxuu sidoo kale ka jawaabay intii uu baarlamaanka ku sugnaa su’aalo ku saabsan arrinta Gobolka Tigray.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Pretoria uu dadka Tigrayga u keenay nasasho. Dadka Tigraygu waxay naftooda ka badbaadiyeen inay waayaan carruurtooda maalinba maalinta ka dambaysa.

Isgaarsiinta, bangiyada iyo adeegyada duulimaadyada ayaa si buuxda dib uga hawl bilaabay Gobolka Tigray, ayuu yiri.

“Dadkii barakacay oo boqolaal gaaraya dib ugu laabtay Raya. Magaalada Walqait waxaa ka socda hawl lagu soo celinayo guryahooda,” ayuu yiri.

“Dib u dhiska iyo dib u soo celinta dagaalyahanada waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyaa” ayuu ku daray .

Waxa uu sheegay in hogaamiyaasha diinta, safaaradaha iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso ay tahay “in hadda ay shaqada bilaabaan” si looga hortago dagaal ka dhaca Gobolka Tigray.

“Haddii uu dagaal ka dhaco gobolka Tigrey, wuu ka sii xummaan doonaa sidii hore,” ayuu yiri.

“Ma doonayno in wax xabbad ah ay ka dhacdo Gobolka Tigray,” ayuu yiri Abiy.

“Dadka Tigrayga ma rabaan dagaal iyagoo og in aan waxba laga faa’iidayan dagaal,” ayuu sii raaciyey.

“Dawladdu waxay ku jirtaa jahawareer u dhexeeya Shane iyo Faanoo Ciidankiina waa kala yaacay marka kuwii yiraahda ‘fursaddan ayaan ka faa’iidaysanaynaa’ waa kuwo aan taariikhda aqoonin” ayuu yiri.

Hadalka ra’iisul wasaare Abiy ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeeysa Eritrea iyo Itoobiya ay cirka isku sii shareereyso.

Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeeysay in ay taageerto garab ka mid ah TPLF, isla markaana ay xasilooni daro ka abuurayso gobolka.

Eedeyntaasi ayaa waxaa beenisay xukuumadda Eritrea.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this