Sign in to follow this  
Deeq A.

AUSSOM oo shaacisay khasaaraha ka dhashay diyaaradii ku dhacday Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaka abaare 7:30 subaxnimo, diyaarad ay leeyihiin Midowga Afrika oo ay wadeen ciidamada Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Diyaaraddu waxay kasoo duushay saldhigga milatari ee Baledogle gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof, Waxaa ka badbaaday Saddex qof oo kaliyah oo hadda lagu dabiibaayo isbitaal ku yaalla Xalane.

Waxaa socda hawlgallo lagu baadi-goobayo dadka kale ee saarnaa diyaaradda kuwaasoo ku dhex gubtay Diyaaradda.

Hay’adaha duulista hawada ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababta keentay shilka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this