Deeq A. Posted Wednesday at 02:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay nidaam cusub oo ku shaqeeya hab biometric ah, si kor loogu qaado amniga xuduudaha dalka, loogana hortago tahriibka iyo socdaalka aan sharciyeysneyn. Ujeeddada nidaamkan ayaa ah in wax looga qabto halisaha amni ee gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah. Nidaamkan waxaa gacan ka geysatay Dowladda Mareykanka. Hirgelinta nidaamkan ayaa timid kadib tababar socday afar maalmood oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tababarkaasi waxaa saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed lagu baray isticmaalka nidaamka PISCES – oo ah barnaamij biometric ah oo ay horumarisay Dowladda Mareykanka, laguna adeegsado garoomada iyo meelaha kale ee laga soo galo dalka. Qaabkan cusub wuxuu awood u siinayaa saraakiisha socdaalka in ay si toos ah uga raad raacaan liisaska digniinta ee caalamiga ah, ogaadaan dukumentiyada been-abuurka ah, islamarkaana ula socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka lala xiriirinayo khataraha amni. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxullow, ayaa tilmaamay in nidaamkan uusan ahayn keliya horumar dhanka tiknoolajiyadda ah, balse uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo shacabka lana dhisayo kalsooni. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa fududeysay tababarka, iyadoo si dhow ula shaqeysay hay’adda socdaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga Mareykanka, si loo xaqiijiyo hirgelinta guuleysata ee nidaamyadan cusub. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay baasaboorka cusub ee jiilka saddexaad oo leh chip biometric ah iyo nidaam difaac adag, si looga hortago wax isdabamarin iyo in uu waafaqo heerarka caalamiga ah. So kastaba, arrintan ayaa waxay xoojin doontaa sugnaanta aqoonsiyada muwaadiniinta iyo la-dagaallanka dambiyada sharci darrada ah. Share this post Link to post Share on other sites