Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaki ka dhashay in DF ay leedahay diyaaradaha ciidanka ee Helicopters

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay caddeyso milkiyadda diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada qaranka, maadaama ay shacabka soo gaareen xogo shaki geliyey oo muujinaya in shirkado gaar ah wax ku leeyihiin.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ee loo adeegsado howlaha ciidanka xoogga dalka laga kireysto shirkado loo leeyahay.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan SoDMA ayaa noo sheegay in ay laga kireeyo diyaaradaha ay u isticmaalayaan gaarsiinta gargaarka deegaanada fog ee garoomada diyaaradaha aan laheyn.

Sarkaalka SoDMA ka tirsan wuxuu intaas ku daray in lacagta lagu kireeyo diyaaradaha ay ku dhacdo Shirkado gaar loo leeyahay iyo shaqsiyaad.

Xogahaan is biirsaday waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan cidda dhabta ah ee iska leh diyaaradahaasi.

Sawir dhawaan laga qaaday mid kamid ah diyaaradahaas ayaa muujiyay calaamadda diiwaangelinta 6O-AAG, taas oo caddeyneysa in diyaaraddaas ay ka diiwaan gashan tahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale maalin ka hor la arkay diyaarado duulaya oo ay wadaan shaqaale rayid ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay dabaal-degga munaasabadii 1-da Luulyo oo diyaaradaha qaar ay hawada Muqdisho ka sameeyeen dhoollatus militari.

Telefishinka Qaranka oo weriyaal u diray garoonka diyaaradaha qeybtii ay ka soo duulayeen diyaaradahaas ayaa soo duubay  dhallinyaro rayid ah oo diyaaradaha militariga duulinaya, taasi oo dhalisay su’aalo ka keenay nooca xiriirka u dhexeeya dowladda iyo diyaaradahaas.

IMG_8070.jpeg

Arrintani waxay banaanka keentay walaac ah in qaar kamid ah diyaaradaha loo maleynayo inay ciidan yihiin ay dhab ahaantii yihiin kuwo gaar loo leeyahay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo caddeyn rasmi ah oo dowladda kasoo baxda.

Waxaa lama huraan ah in dowladda Soomaaliya ay si cad oo rasmi ah u qeexdo milkiyadda diyaaradahaas, in ay si buuxda uga tirsan yihiin ciidamada qalabka sida, in ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay, balse kireysan iyo in ay jiraan heshiisyo wadaag ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkado gaar ah.

Caddeynta arrintan waxay muhiim u tahay hufnaanta maamulka, ilaalinta kalsoonida shacabka iyo badbaadinta sumcadda hay’adaha amniga ee dalka.

Horay saraakiisha dowladu waxa ay u sheegeen in diyaaradahaan lagu soo iibiyay dhulkii dowladu iibsatay, balse hadda waxaa soo baxaya tuhin hareeyey cidda leh diyaaradaha qaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this