Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo agaasime guud ku eedeeyay in uu musuq maasuq sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Wasiirka kaluumaysigga Puntland Cabdirisaaq Cabdilaahi Xagaa oo maanta hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale tiro badan oo shirkado kaluumaysigga laga qaaday ay maqantahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas oo aad u tiro badan uu lunsaday Agaasimihii hore ee wasaarada Eng Sharmaarke Beeldaaje oo xusay in uu dalkana ka baxay. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dhaqaalahaasi magaca wasaarada lagu qaatay ayna ka timi dad doonayay shatiyo iyo adeegyo dowladeed.

Ilaa hadda xariir kama helin agaasimaha la eedeeyay,  si uu uga jawaabo in uu lacago dowladeed la baxsaday. Horey ayaa agaasimahaas shaqo joojin loogu sameeyay, ka dib khilaaf soo jiitamay oo isagga iyo wasiirka ka dhaxeeyay.

Warkaan cusub ayaa daaha ka rogaysa musuqmaasuqa iyo isla-xisaabtan la’aanta ku hareeraysay hay’adaha dowlada Puntland. Isla-xisaabtan la’aanta iyo inaan cidna loo ciqaabin lunsashada hantidda ummada ayaa dhiirigelisa in aan wax laga soo qaadin.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo agaasime guud ku eedeeyay in uu musuq maasuq sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this