Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo faahfaahisay hawlgal ay ku dishay xubno badan oo Daacish ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751437484116.jpg?resize=1000%2C6

Afhayeenka hawlgalka Calmiskaad S/guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) oo waraysi bixiyay ayaa faahfaahiyay hawlgal qorshaysan oo ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen degaanka Walinsoor ee buuraha Calmiskaad kaasi oo lagu diley firxad ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.

“Daacish waxay waayadaan bilaabeen inay galaan godadka si ay uga nabadgalaan ciidanka dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee cirka ka beegsanaya, iyagoo doonaya inay ka nabad galaan ciidanka difaaca dowladda Puntland maadaama aysan iska celin karin, ciidanka oo ku taagan raadkooda ayaa ku helay deegaanka Walinsoor ee aagga Camayra, dagaal ayaa ka dhacay rag badan ayaana looga laayey goobtaasi” ayuu yiri Afhayeen Faadhigo.

Afhayeenka hawlgalka Calmiskaad u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland S/guuto Maxamuud Maxamed Faadhigo ayaa sidoo kale sheegay in firxadka Daacish oo koox-koox u socdaa ku kala lumeen buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ka wadaan sifayntiiu danbaysay ee kooxdaasi.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo faahfaahisay hawlgal ay ku dishay xubno badan oo Daacish ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this