Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland ookulan la qaatay……

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1751403026620.jpg

FB_IMG_1751403031387.jpg

FB_IMG_1751403041183.jpg

FB_IMG_1751403050955.jpg

FB_IMG_1751403055833.jpg

FB_IMG_1751403063381.jpg

FB_IMG_1751403071276.jpg

FB_IMG_1751403132462.jpg

FB_IMG_1751403155695.jpg

FB_IMG_1751403159290.jpg

FB_IMG_1751403144803.jpg

FB_IMG_1751403150618.jpg

FB_IMG_1751403128618.jpg

FB_IMG_1751403120597.jpg

FB_IMG_1751403114249.jpg

FB_IMG_1751403109901.jpg

FB_IMG_1751403098542.jpg

FB_IMG_1751403085860.jpg

FB_IMG_1751403090806.jpg

FB_IMG_1751403080573.jpg

Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii 4-aad safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey kulamo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Qatar; Maamulka sare ee Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund) iyo Hay’adda Qatar Al-Khayriya (Qatar Charity).

Kulammaduna waxa ay u dhaceen sidan soo socota:

𝟏. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮-𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan diblumaasiyadeed la yeesheen Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mudane Dr. Maxammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi.

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay si cad hoosta uga xarriiqeen in Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee ka tirsanayn Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay tahay dal ka madax bannaan oo iskeed isu xukumayey 34-kii sano ee ugu dambeeyey.

Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayey waaqiciga xagga diblumaasiyadda ah iyo xidhiidhka togan ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

𝟐. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan wax-ku-ool-ah la yeesheen Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Dawladda Qatar, Mudane Dr. Axmed Maxammed Al-,Sayed.

Wadahadalka ayaa waxa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya labada dhinac iyo weliba soo jiidashada Maalgashiga Qatar, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Batroolka iyo Macdanta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.

Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Qatar u iftiimiyeen xaaladaha ganacsi ee fur-furan ee ka jira Somaliland kuwaasi oo la isku hallayn karo, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) oo halbowle u ah isku-xidhka ganacsiga caalamka.

𝟑. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan midho-dhal ah la yeesheen maamulka sare ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund-QDF).

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen taageerada uu Sanduuqa Horumarinta Qatar uu ka gaysan karo horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha biyaha, iyo xoojinta shaqo abuurka iyo kobcinta farsamada gacanta ee dhalinyarada Somaliland.

Weftigu waxa ay iftiimiyeen sida ay Somaliland uga go’an tahay iskaashi horumarineed oo hufan, waxa aanay soo dhaweeyeen iskaashi mustaqbalka dhex mara labada dhinac kaasi oo ku wajahan horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo horumarinta kobac waara oo aayatiin wacan u leh labada dal.

𝟒. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫 𝐀𝐋-𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐢𝐲𝐚:

Sida oo kale, weftigii Somaliland ee ku sugnaa Qatar waxa kale oo ay kulan muhiim ah la yeesheen masuulka ugu sarreeya Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity), Mudane Yuusuf Ibn Ahmed Alkawaary. Weftigu waxa ay Hay’adda Qatar Al-Khayriya uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniaadannimo ee ay Hay’addu ka fuliso Somaliland.

Dhammaan arrimihii labada dhinac ay ka wada hadleen si weyn baa la isugu af gartay. Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity) waxa ay dhinacooda ballan qaateen in ay sii labanlaabi doonaan hawlaha gargaarka bini’aadannimo iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this