Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf mar kale ka dhex qarxay Donald Trump iyo Elon Musk

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa soo baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ganacsadaha caanka ah Elon Musk.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay Elon Musk in uu ka faa’iidaystay deeqaha dowladda ee lagu taageero shirkadaha korontada ku shaqeeya.

Wuxuu sheegay in Musk helay kaalmada ugu badan taariikhda, haddii laga jari lahaana uu shirkadihiisa xiri lahaa. Trump wuxuu xusay in dalku lacag badan badbaadin lahaa haddii la joojiyo deeqahaas, isagoo ku taliyay in guddiga DOGE ay arrintaas baaritaan ku sameeyaan.

Elon Musk oo ka jawaabay hadalka Trump wuxuu si cad u sheegay:
“Ha la joojiyo dhammaan. Hadda.”

Tani waxay muujisay in Musk diyaar u yahay in la joojiyo deeqaha dowladda, taasoo ka dhigaysa mid si toos ah uga hor imaanaya hadalka Trump oo u muuqday mid ku eedeynaya Musk ku tiirsanaanta lacagahaas.

Khilaafkan wuxuu muujinayaa is-maandhaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhexeeya laba shaqsi oo saameyn weyn ku leh Mareykanka – mid siyaasadda, midna tiknoolajiyadda.

Musk ayaa aqalka cad si weyn uga soo dhex muuqday markii la doortay madaxweyne Trump. Wuxuu si weyn u taageeray ololihii doorashada balse labada nin ayaa is qabtay sababo la xariira Awooda maamulka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this