Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo shaaciyay in Villa Somalia ay ciidamo qarsoodi ah ku diyaarinayso…

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeyb-galay munaasabadda xuska maalinta Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo, taas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka shaqeynayso qorshe halis ku ah amniga maamulka.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ugu horeyn diiradda ku saaray dhowrista gobannimada dalka, muhiimadda ay leedahay dib u soo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo daruufaha adag ee ka taagan guud ahaan dalka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhismaha hay’adaha dowladeed uu u baahan yahay hannaan daahfuran iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Intii uu hadalka jeedinayay, Madaxweyne Deni wuxuu si gaar ah uga digay fara-gelinta siyaasadeed ee uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso degaannada Puntland. Wuxuu xusay in ay jiraan qorshayaal qarsoodi ah oo lagu qorayo ciidamo aan sharciyeysnayn, kuwaasoo lagu biirinayo liis mushaar qaateyaal ah oo la xiriira Villa Somalia.

“Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin ‘Puntland baan ciidamo ka qoraynaa’, kuwaas oo si qarsoodi ah u socda, marba meel ka bilaabaya,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray: “Arrimahaas waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha.”

Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqatay digniin ku socota Dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay fara-gelin khatar ku hayso maamulka, gaar , xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this